3363 Views

Kalfadhiga Baarlamaanka oo maanta la soo xiray iyo Xildhibaanada oo fasax galaya

Kalfadhiga Baarlamaanka oo maanta la soo xiray iyo Xildhibaanada oo fasax galaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho,5 March 2016: Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in la soo xiro, iyadoo Xildhibaanada ay geli doonaan fasax muddo kooban ah.

Fadhiga maanta uu yeelanayo Baarlamaanka, ayaa lagu soo bandhigi doonaa war murtiyeed ku saabsan kulamadii Amniga ee uu Baarlamaanka su’aalaha ku weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida, kuwaas oo maalmihi dambeeyay ka socday xarunta Baarlamaanka.

Waxaa kulanka maanta hor-tagi doona baarlamaanka Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo iyana su’aalo laga weydiin doono waxqabadkooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in kalfadhiga maanta uu soo xiro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Baarlamaanka Federaalka oo u harsan muddo shan bilood ayaa marka uu fasaxa ka soo laabto waxaa uu u furmi doona kalfadhigiisa 8aad, kaasoo noqon doona kii ugu dambeeyay, iyadoo marka la gaaro Bisha Agosto la rajeynayo in la soo dhiso Baarlamaan cusub, in kastoo an la ogeeyn sida ay suurta-geli-doonto.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment