3414 Views

R/kuxigeenka Soomaaliya Oo Ka Qayb Galay Shir Ka Dhacay Maraykanka.

R/kuxigeenka Soomaaliya Oo Ka Qayb Galay Shir Ka Dhacay Maraykanka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,5 March 2016: Mudane Maxamed Cumar Carte, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa halkaasi kaga qeyb galay shir looga hadlayay dib u soo kabashada dowladdaha ka soo kabanaya dagaallada sokeeye iyo sidii wax loogu qaban lahaa dowladahaasi. Mudane Maxamed Cumar Carte oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in shirka lagu casuumay Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Bankiga Adduunka, waxaana uu intaa ku daray in qeyb weyn ay ka qaateen shirka oo uu soo bandhigay horumarada ay dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay iyo maareynta dadka gudaha dalka ku barakacay. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa tilmaamay in beesha caalamka ay kala hadleen inay wax ka badalaan qaabkii hore ee ay Soomaaliya ku caawin jireen, kaasi oo rajo wanaagsan ka muujiyay, maadaama ay Soomaaliya ka soo kabaneyso colaado sokeeye. “Labo arrimood ayaa nooga soo baxday oo ay ugu horeyso in Soomaaliya ay ka soo kabatay bur burkii hayay muddo ka badan 30-ka sanno, tan labaad waxaa noo soo baxday in qaabkii hore wax laga badalo, gaar ahaan hay’adaha caalamiga ah oo ay ka mid yahay Bankiga Adduunka iyo kuwa kale caawinta Soomaaliya, si loo xoojiyo taageerada ay siinayan Soomaaliya” ayuu yiri R/wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment