3477 Views

“Nin dambiile ah oo meel laga soo qabtay ma aheyn”

“Nin dambiile ah oo meel laga soo qabtay ma aheyn”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,6 March 2016: Hogaamiyihii hore ee  maleeshiyaadkii ka dagaalamayay Buuraha Galgala ee Puntland, Maxamed Saciid Atam, ayaa bishii la soo dhaafay u dhoofay dalka Qatar, halkaasoo uu magangalyo ka helay, kadib markii uu qaatay heshiis nabadgelyo.

Hogaamiyaha oo bishii June ee sanadkii 2014 isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya, markii uu ka soo baxay Al-Shabaab ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Universal ka hor inta aanu ka dhoofin magaalada Muqdisho waxaa uu ka hadlay noloshiisa, iyo xilliyadii uu la joogay Al-Shabaab iyo waxa uu damacsan yahay mustaqbalkiisa.

Mr Atam ayaa sheegay in noloshiisa aanay waxba iska bedelin, isagoo xusay inuu dareemayo culeysyo saarnaa oo ka degay, waxaana uu meesha ka saaray in aanay marnaba isku fikir aheyn isaga iyo Al-Shabaab.

“Culeysyo badan ayaa i hayay, hadii ay ahaan laheyd mid dibada ah oo ragga aan isla joognay hal god ku wada jirnay iyo culeys gudaha iga heystay, nin col ku dhex jira ayaa ahaa, heshiiska aan qaatay wuxuu ahaa mid aan aad uga tashaday inaan nabadgelyo qaatay, inaan adduunka iyo intiisa kale nabad la qaato, inaan miraheeda helay baan u maleynayaa”ayuu yiri Sheekh Maxamed Saciid Atam.

Waxaa uu sheegay inuu aaminsan yahay Jihaadka, balse isaga iyo Shabaab uu farqi weyn u dhaxeeyay.

“Jihaadka waa sida salaada oo kale, wuxuu leeyahay shuruudo, yaa dagaalamaya, yaa lala dagaalamaya, yaa loo dagaalamayaa, xilligee la dagaalamaya, horta qofkii jihaad beenaya waa sida isagoo salaada beenaya, Shabaab waa khilaafeen jihaadka Nabiga Muxumaed NNKH, Nabigu wuxuu xarimay qof mu’min ah in la dilo, faham ahaan waxaa ku qancay in jihaadkaas aanu aheyn kii saxda ahaa”

Mar la weydiiyay in dowladda ay cafis kaliya u fidisay hogaamiyeyaasha Shabaab, halka dhalinyarada ay xukunto ayuu tilmaamay inuu isaga aanu aheyn dambiile meel laga soo qabtay, isla markaana uu ahaa nin heshiis ku yimid.

“Aniga nin Dambiile ah oo meel laga soo qabtay ma aheyn, heshiis baan galay, waana ku qanacsanahay, waliba muddo ayaa raadinaya, suurta galnimada ayaa iga raagtay, qof kasta oo heshiis ku yimaada ha yaraado ama ha weynaado waa in balantiisa loo fuliyaa, markii uu qaato nabadgelyo, aniga tashaday waxaa rajeyneynaa inay aheyd in Towfiiqda alle i waafajiyay”ayuu yiri Maxamed Saciid Atam.

Mar la weydiiyay inuu xiriir u dhaxeeyo isaga iyo Xasan Dahir ayuu tilmaamay in aanu wax xiriir ah u dhaxeyn, isla markaana markii horeba aanay wada xiriiri jirin.

Dadka odorasa siyaasada Soomaaliya ayaa aaminsan in tallaabada magangalyada uu uga helay Maxamed Saciid Atam dalka Qatar ay suura gelin karto in hogaamiyeyaal ka tirsan Shabaab inay ku fikiraan inay maraan wadadii Sheekh Atam, isla markaana ay Nabadgelyo qaataan.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment