5040 Views

Taliye kuxigeenkii Nabadsugida degmada Cadale oo la dilay

Taliye kuxigeenkii Nabadsugida degmada Cadale oo la dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho,6 March 2016: Ibraahim Maxamuud Waanbe, oo ahaaTaliye kuxigeenkii Nabadsugida degmada Cadale, ayaa xalay lagu dilay degmadaas, kadib markii isaga iyo Sarkaal kale oo ka tirsanaa Nabadsugida uu khilaaf soo kala dhex galay ku saabsan shaqada.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha la dilay uu Sarkaalka ku amray howlo shaqo, balse muran soo kala dhex galay kadib uu toogtay si bareer ah.

Ciidamada Nabadsugida degmada Cadale ayaa markii uu falka dilka dhacay, baadigoob u galay sarkaalka dilka geystay, waxaana ay xalay saqdii dhexe ku dileen mid ka mid ah Xaafadaha Cadale.

Dad Reer Cadale ah, ayaa sheegaya in saaka lagu wado in isku mar la aaso Taliyaha iyo Sarkaalka kale ee dilka geystay, waxaana arrintan aad looga hadal hayaa degmada Cadale oo aan horay dilal ceynkan oo kale uga dhicin.

Maamulka degmada Cadale ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan sababta ka dambeysa dilka Taliye kuxigeenka Ibraahim Maxamuud Waanbe.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment