4893 Views

BEESHA KARANLE OO KULAN KU YEELATAY MUQDISHO

BEESHA KARANLE OO KULAN KU YEELATAY MUQDISHO
____________________________________________________________________________

SHIR LAGA SOO SAARAY WAR SAXAAFADEED MUHIIM AH.

Muqdisho | QOL | March 7, 2016 – Shir looga hadlayey Midnimada iyo Horumarka Beesha Karanle oo ka dhacay Muqdisho March 6/2016, shirkan waxaa ka soo qayb galay Hogaamada Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Dhalinyarada iyo Dumarka.

Shirkan oo muhiimadiisu ahayd sidii Beesha ay ugu midowbi lahayd Danaheeda Gaarka ah iyo Danaha guud ee kala dhexeeya guud ahaan Umada Somaaliyeed.

Shirkan waxaa soo qaban QAABIYEY Guddi ay Hormood u yihiin Jeneral Gafow, Jeneral Caynte iyo Xubno isugu jira Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano.

Waxaa si Xushmad iyo Is ixtiraam leh looga dooday qaabka ugu haboon ee ay beesha ugu midoobi karto Danaheeda gaarka ah, iyadoo lafiirinayo Maslaxada Guud ee BEESHA, lagana fogaado wixii keeni kara midnimo la’aan iyo Kooxeysi ku dhisan Danneysi gaar ah.

Waxaa shirkaas laga soo saaray Go’aamo wax gal ah oo u qornaa sidan.

  • In shirkaan uu yahay mid bilow ah, hordhacna u ah shirar kale ee dhici doona.
  • Beeshu in ay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato dhib u dhiska Dalka.
  • Beeshu in ay si Cad uga soo Horjeedo, Gudi Sheegtay in ay matalaan Beesha oo la dhisay waqti dhow, lana CADEEYEY in Gudigaas uu san MATELIN BEESHA.
  • Hay’adaha kala duwan ee dowlada waxaa lagu wargelinayaa in Gudigaas uu san MATELIN Beesha, hay’adii ku tixgelisa Gudigaas in uu matelo BEESHA Karanle waxay QAADI DOONTAA wixii dhib ah ee ka yimaado SHARAF darada iyo MEEL kadhaca  loo gaysto Beesha.
  • Dhamaan Dowladaha heer Qaran ama Heer Gobol way Yaqaanan CIDA lagala tashanayo danaha guud iyo kuwa gaar ahaaneed ee Beesha, sida loo yaqaan Beelaha kale ee Somaaliyeed.
  • Waxaan rajaynaynaa in ay siin doonaan TIXGELINTA uu mudan yahay Baaqan dhamaan dadka ay qusayso.
  • Waxaa si Xushmad leh looga Codsanayaa dhamaan Beesha in ay ka soo qayb galaan Shirarka soo socda, si ay ugu Biiriyaan Talooyinkooda wax ku Oolka ah, si loo dhiso HOGAAN lagu Aamini karo Danaha Guud ee Beesha iyo kuwa Gaar ahaaneed ee kala dhexeeya umada Somaaliyeed.
  • Waxaa halkaas lagu magacaabay Gudi soo qaban qaabiyo Shirarka dambe ee soo socda.

jaahweyn1xaad1

gacal1caraale fadhiga gacal fadhiga1 jaahweyn odayaasha

 

 

.

Wabilaahi Towfiiq

___________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment