3375 Views

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado inuu mar kale ka bilowdo Jowhar

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado inuu mar kale ka bilowdo Jowhar
____________________________________________________________________________

Muqdisho,7 March 2016: Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa lagu wadaa inuu dib uga bilowdo magaalada Jowhar, kadib markii muddo labo bilood uu hakad ku jiray, iyadoo la sheegayo in qeyb ahaan lagu guuleystay xalinta cabashooyinka ka imaanaya beelaha qaar.

Wafdi ka socda Maamulka Gobolka Hiiraan oo uu hogaaminayay Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Sheekh Xuseen Xasan ayaa shalay gaaray magaalada Jowhar, waxaana wafdigan horu-dhac u yihiin ergooyinka la filayo inay ka yimaadaan Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la xaliyay cabashooyinka ay qabeen beelaha qaar, ayna ogolaadeen inay shirka ka qeyb galaan.

“Waa la xaliyay wixii cabasho ee jiray, beelaha waxay ogolaadeen inay shirka Jowhar ka qeyb galaan, aniga oo Maamulka Gobolka Hiiraan ka socda ayaa halkan u soo horumaray, wafuud kale waa soo socdaan oo isugu jira ergooyinkii iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, maalmaha soo socda ayay imaan doonaan”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Hiiraan.

Wararna soo gaaray ayaa sheegaya in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ku wareejisay Maamulada Gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe sii socodsiin howlaha maamul u sameynta labada gobolka iyo xalinta cabashooyinka ay qabaan beelaha qarkood.

Guddoomiyeyaasha Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo la lahaa odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda labada gobol, kuwaasoo ka dhaadhicinaya sidii dib loogu bilaabi lahaa shirka, isla markaana la xalin lahaa cabashooyinka.

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa hakad galay wixii ka dambeeyay 12-kii bishii Janaayo, xilligaasoo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha, waxaana ergooyinkii ku sugnaa Jowhar ay ku kala tageen, markii ay ku qanci waayeen sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qeybisay tirada beel walba ka soo gaartay odayaasha soo xuli lahaa ergooyinka taas oo beelaha qaar ka biyo diideen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment