3501 Views

Wasaaradda Amniga oo soo saartay amar ku saabsan sugida Amniga Muqdisho

Wasaaradda Amniga oo soo saartay amar ku saabsan sugida Amniga Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho,7 March 2016: Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir ku aadan sugida amniga magaalada Muqdisho, kaasoo qeyb ka ah qorshayaal la doonayo in wax looga bedelo habka loo sugayo amniga magaalada iyo meelaha u dhow.

C/kaamil Macalin Shugri oo ah Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa warbaahinta u aqriyay awaamiirta ka soo baxday Wasaaradda ayuu ku sheegay in Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida loo kala qeybiyay amniga Sugida wadooyinka Caasimada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Ilaalada Madaxda Mas’uuliyiinta dowladda inay yareeyaan dhaq dhaqaaqooda iyo socodka ay ku sameeyaan wadooyinka, isla markaana degmo walba lala soconayo dhaq dhaqaaqeeda gaarka ah..

Mr C/kaamil ayaa sheegay in howl galo lagu xaqiijinayo ammaanka ay ka socdaan magaalada Muqdisho, isla markaana guri guri loo baarayo.

“Wasaaradda Amniga waxay soo dhoweyneysaa habka farsamo ee loo qeybsaday Amniga Muqdisho, Ciidamada Booliska waxaa la siiyay Wadada Liido illaa Ex Koontarool, Nabadsugida waxay sugayaan amniga Jidadka waa weyn, sida Wadada 30-ka, Wadnaha iyo Warshadaha”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Ciidamada Nabadsugida ee horay ugu sugnaa Wadada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama ayaa laga wareejiyay, waxaana wadadaas amnigeeda loo xil saaray Ciidamada Booliska.

Golaha Wasiirada ayaa dhowaan soo saaray qorshayaal wax looga qabanayo amniga magaalada Muqdisho, iyadoo Amniga magaalada lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo la hoos-keenayo Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment