5325 Views

Ahlu Sunna oo war kasoo saartay hubkii Gal-Mudug gacanta ku dhigtay

Ahlu Sunna oo war kasoo saartay hubkii Gal-Mudug gacanta ku dhigtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho,8 March 2016: Ururka Ahlu-sunna Waljamaacaya ayaa beeniyay warar ka soo baxay Maamulka Galmudug oo ahaa in Hub loo waday degaanka Xeraale ee Gobolka Galguduud oo ay ka arrimiso Ahlu Sunna, lagu qabtay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah Maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Cabdullahi Xirsi Diirshe  ayaa sheegay in Warka ka soo baxay Galmudug uu yahay mid iyaga looga been abuuranayo.

Waxaana uu taa beddelkeeda sheegay in Cadaado uu ku yaallo Suuq lagu kala iibsado Hubka ,islamarkaana Hubka ay sheegayaan uu yahay mid Dad Reer miyi ah ay magaalada ka iibsadeen oo ay ku qasbeen in ay sawirro ka qaadaan si ay ugu ceebeeyaan Ahlu Sunna.

Maamulka Galmudug ayuu sheegay in uu yahay mid aan ka shaqeyneyn danaha dadka dega Mudug iyo Galguduud,waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin Argagixiso waa sida uu sheegay.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment