3093 Views

Mareykanka oo sheegay in duqeyn ku dileen 150 Al-Shabaab ah

Mareykanka oo sheegay in duqeyn ku dileen 150 Al-Shabaab ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho,8 March 2016: Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay weerar cirka ah oo habeen hore ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ay ku dileen 150 dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

 

Dadka deegaanka ayaa Axadii shalay u sheegay Warbaahinta in duqeymo culus ay ka dhaceen deegaano dhinaca galbeed kaga beegan degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo lagu magacaabo Captain Jeff Davis ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday xero Al-Shabaab tababaro, kuna diyaarinayeen weerar weyn oo dhibaato keenu karo.

“Waxaan ogeyn inay xerada uu ka socday diyaarinta weerar weyn oo halis ah, kana dhan ah Mareykanka iyo Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya”ayuu yiri Col. Davis

“Qiimeynta horu dhaca ah waxay sheegeysaa in ka badan 150 oo argagixiso ah lagu dilay weerarkaas”ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale uu tilmaamay in weerarka uu dhacay Sabtidii, halka la bartilmaameedsaday oo aheyd xero Al-Shabaab lahaayeen ay waqooyi kaga beegan tahay magaalada Muqdisho illaa 195KM.

Col. Davis ayaa sheegay in ka hor inta aanay duqeynta fulin diyaarada Drone ah ay xeradaas dhowr jeer sahansadeen ayna basaaseen muddo todobaad ah iyo ka badan.

Duqeymaha ayaa la sheegay inay ka qeyb qaateen diyaarado aan duuliye laheyn iyo kuwa duuliye lahaa, waxaana aaga la weeraray dadka ay sheegeen inay ka arkayeen qiic ka baxayay mudo dheer.

Diyaaradaha aanay duuliyaha laheeyn ee Drones ayaa dhowr jeer oo hore duqeymo ka fuliyay Koofurta Soomaaliya, kaasoo lagu dilay Hogaamiyeyaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga hadii weerarka cirka ah lagu dilay saraakiil sar sare ah oo ka tirsan Al-Shabaab iyo in kale.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment