3222 Views

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay Hubkii ay qabteen Ciidamada Australia in ay lahaayeen Shabaab

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay Hubkii ay qabteen Ciidamada Australia in ay lahaayeen Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho,9 March 2016: Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in doonidii hubkii siday ee ay maalmo ka hor ay qabteen Ciidamada Badda Australia uu u socday Kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wada hadalo kala sameysay arrintan dowladda Australia.

Doonidan hubka siday ayaa lagu qabtay meel ka baxsan Xeebaha Cumaan, iyadoo warar horay u soo baxayay ay sheegayeen inay ku wajahneyd Xeebaha Soomaaliya.

“Soomaaliya iyo Australia waxay ka wada hadlayaan hubka ay qabteen Ciidanka Badda Australia, weli waxaa socda baaritaanada ku aadan hubkaasi, maalmaha soo socdana faah faahin way ka soo bixi doontaa”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in hubkan la qabtay ay faah faahin dheer ka soo saari doonaan, marka baaritaanada socda la soo gaba gabeeyo.

“Waxaan ognahay 100% in hubkaas uu u socday Al-Shabaab, ma rabo inaan halkan ka hor-dhaco, baaritaan ayaa socda, dib ayaana ka soo sheegi doonaa”ayuu mar kale yiri Wasiirka Amniga.

Telefishinka CNN ayaa sheegay in hubkan laga keenay Iiraan, isla markaana uu u socday Jabhada Shiicada Xuutiyiinta Yemen ee dagaalka kula jira Ciidamada dowladda Yemen iyo Xulufada uu hogaaminayo Sacuudiga.

Ciidamada Badda Australia ayaa sheegay in Doonidan ay ka shakiyeen, markii aysan wadan wax calan ah oo muujineysa dalka laga lahaa, taasna ay keentay inay qabtaan, baaritaana ku sameeyaan.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment