4479 Views

Howlgal ay ciidamo ajnabi ah xalay ka fuliyeen degmada Awdheegle

Howlgal ay ciidamo ajnabi ah xalay ka fuliyeen degmada Awdheegle
____________________________________________________________________________

Muqdisho,9 March 2016: In kastoo an la oggeyn sida ay wax u dhaceen ayaa warar dheeraad ah ka soo baxaya weerar xalay saqdii dhexe degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku qaadeen Ciidamo ajaaniib ah oo watay diyaarado qumaatiga u kaca oo loo yaqaan ” Helikopter ”

 

Howlgalkan oo dhacay xalay saqdii dhexe abaarihii 12-kii habeenimo, waxaana la sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ay ku degatay meel banaanka ka ah Awdheegle.

Maxamed Aweys Mad-yarow oo ah Guddoomiyaha degmada Awdheegle oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in afar goobood ay howl galka ka fuliyeen ciidamo shisheeye oo aanu sheegin dalka ay ahaayeen.

“Ciidamo Ajnabi ayay ahaayeen, xalay saqdii dhexe ayaa iyagoo diyaarado qumaatiga u kaca la socday ka soo degeen, meel 7Km u jirta Awdheegle”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Awdheegle.

Waxaa uu sheegay in howl galkaas lagu dilay illaa 11 dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab, halka kuwa kale lagu dhaawacay, ma sheegin cida bartilmaameedka ahaa.

Afhayeenka Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamo ajnabi oo labo diyaaradood Helicopter watay, ayna dib u laabteen, iyagoo khasaare gaaray sida uu yiri.

Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamada ay labada diyaaradood soo dhigteen banaanka degmada, ayna gudaha u soo galeen Awdheegle, waxaa uu tilmaamay in halkaas iska hor imaad muddo socday ay kula galeen.

Waxaa uu xaqiijiyay mid ka mid ah dagaalyahanadooda uu weerarkaas ku dhintay, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhanka Ciidamada shisheeye ay khasaare gaarsiiyeen, isla markaana goobihii ay ka soo dageen ku arkeen dhiig iyo rasaas ay adeegsadeen.

Lama oga dalka ay ka soo jeedeen ciidamadan xalay weeraray Awdheegle, hase ahaatee sanadkii 2013 ayaa waxaa weeraro ka fuliyay Buulo mareer iyo Baraawe Ciidamada Kumandoska dalalka Faransiiska iyo Mareykanka.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment