5073 Views

Qarax saaka ka dhacay meel u dhow Xarunta Gaadiidka Booliska

Qarax saaka ka dhacay meel u dhow Xarunta Gaadiidka Booliska
____________________________________________________________________________

Muqdisho,9 March 2016: Qarax ka dhashay gaadiid yaallay meel ku dhow irida laga galo xarunta gaadiidka booliska ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ku soosheegtay in gaariga uu ku qarxay meel u dhow xarunta Gaadiidka Booliska, gaar ahaan afaafka hore maqaayad laga cuno cuntada fudud oo ka soo horjeeda Xarunta Gaadiidka Booliska.

Saddex sarkaal ayaa ku dhimatay qaraxa iyo haweeneyda laheyd maqaayada, iyadoo ruux waday gaariga oo dhulka jiifay la sheegay in isagoo dhaawac halis ah ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Booliska.

Hase ahaatee maqaayada uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa fariista Ciidamada Booliska oo ka qaxweeya, cuntada fududka ka cuna xilliyada subixii inta an shaqada la gelin.

Meydka qof gaariga saarnaa ayaa wadada yaala, lamana oga in ruuxan ahaa ninka is qarxinayay iyo in kale, saraakiisha laamaha ammaanka ayaa goobta soo gaaray, kuwaasoo baaritaano wada.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana ay ku jiraan askar ka tirsan Ciidanka Booliska.

Dhinaca kale waxaa daqiiqado ka hor iyana la sheegay in qarax uu ka dhacay agagaarka Dugsigii 21 October ee degmada Waabari, waxaana qaraxaas la sheegayaa inuu ka dhashay mootada loo yaqaano Bajaaj.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen. Cali Gaab ayaa xaqiijiyay in saddex sarkaal qaraxaas ku dhimatay, halka ninkii is qarxinayay oo dhaawac ah gacanta lagu dhigay sida uu hadalka u dhigay.

“Saddex sarkaal qaraxaas ku dhimatay, wax dhaawac ah ma jiraan, ninkii is qarxinayay oo naf xun ku jirto waa la hayaa”ayuu yiri Jen Cali Gaab.

“Abaarihii 10-kii saac ciidamadii booliska ee ka shaqeynayay wadada 21 October ayaa waxay qabteen Bajaaj ay la socotay saddex nin oo qarax waday, nin ayaa la qabtay, labo kale waa carareen, kuwii kale ayaa qaraxii taabtay, wax dhaawac ah iyo dhimasho ka dhasay ma jiraan, ninkii la qabtay waxaa lagu raadiyay meeshii uu qaraxa ka keenay iyo cida u soo dhiibtay, ayagana waa la hayaa”ayuu yiri Jen. Cali Gaab

qaraxqarax

qarax2

qaraxa1

 

 

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment