3384 Views

Saraakiil ka tirsan DF Somalia oo lagu dilay qarax ka dhacay degmada C/Casiis

Saraakiil ka tirsan DF Somalia oo lagu dilay qarax ka dhacay degmada C/Casiis
____________________________________________________________________________

Muqdisho,9 March 2016: Warar an hubneeyn oo kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax culus oo saakay ka dhacay meel biibito ah oo u dhaw gaadiidka Booliiska isla markaana ay ku shaah cabi jireen ciidamada Booliiska iyo dadka meelahaa ka dhow.

Qarax oo aan la ogeyn in ismiidaamin uu ahaa ama gaariga lagu soo xiray ayaa sababay in ay ku dhintaan Taliyaha saldhiga Suuqa Bakaaraha, taliye ku xigeenka saldhiga degmada Holwadaag iyo saraakiil kale.

Taliyaha ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir Cali Gaab ayaa goobta gaaray iyadoo darwalki baabuurka saarnaa isaga oo dhaawac ah goobta laga qaaday.

Waxaa la sheegayaa in ay baaritaanno socdaan.

gad8

gad9gad4

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment