7983 Views

Ciidamada Danab oo ka qeyb qaatay weerarkii Aw-dheegle

Ciidamada Danab oo ka qeyb qaatay weerarkii Aw-dheegle
____________________________________________________________________________

Muqdisho,10 March 2016: Ciidamada Kumandoska xooga dalka ee sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Danab ayaa ka qeyb qaatay weerarkii habeen hore ka dhacay degmada Aw-dheegle oo qiyaastii magaalada Muqdisho dhanka galbeed kaga beegan illaa 60KM.

Ciidamadan ayaa qeyb ka ahaa Ciidamo Mareykan ah oo watay labo diyaaradood kuwa qumaatiga u kaca, kuwaasoo ku degay meel banaanka ka ah Aw-dheegle, isla markaana si lug ah ku gaaray goobo bartilmaameed ah.

Wararka ayaa sheegaya in illaa afar goobood oo saldhig u ahaa Al-Shabaab ay weerareen ciidamadan sida wada jirka ah uga qeyb qaatay howl galka.

Afhayeenka Ciidamada Mareykanka ee Africa Col. Mark Cheadle ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in ciidamadooda aanay wax xabad ah ridin, isla markaana ay ku sugnaayeen goob ammaan ah.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Kumandoska Soomaaliya ay dhanka la talinta iyo diyaaradaha ka taageerayeen, ayna howl galka si guul ku jirta uga gaareen sida uu yiri.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in howl galkaas lagu dilay illaa 15 ka tirsan Al-Shabaab, ayna jiraan illaa lix ruux oo gacanta lagu dhigay, horayna ay ciidamada u wateen.

Warar ku dhow dhow Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in bartilmaameedka howl galkaas uu ahaa saraakiil sare sare oo ku sugnaa deegaankaas, inkastoo aan wali magacyadooda la xaqiijin.

Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay fashiliyeen, isla markaana ay dib u caabiyeen ciidamo ajnabi oo soo weeraray Aw-dheegle, isla markaana mid ka mid ah dagaalyahanadooda uu ku dhintay weerarkaas.

Waa kii labaad weerarkaan, muddo saddex maalmood oo Mareykanka ku qaado saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin Soomaaliya, Sabtidii la soo dhaafay ayay aheyd markii duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka lala beegsaday xero tababar oo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Raaso oo ka tirsan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment