3438 Views

Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka oo sheegay in sharci darro lagu magacaabay Safiiro

Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka oo sheegay in sharci darro lagu magacaabay Safiiro
____________________________________________________________________________

Muqdisho,10 March 2016: Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hab sharci ah aan loo marin magacaabid Safiiro iyo howl wadeenada arrimaha Dibadda.

Guddiga ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay si qaldan wax u wado, isla markaana aanay marnaba Guddiga ku soo wargelin qorshe howleedkeeda siyaasada arrimaha dibadda.

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay inay dareen ka muujinayaan magacaabista Safiirada iyo howl wadeenada dibada oo aan loo marin si sharciga waafaqsan.

“Guddiga Arrimaha Dibadda Baarkamaanka wuxuu dareen ka muujinayaa magacaabista Safaaradaha iyo howl wadeenada dibadda oo aan loo harin hab sharci ah, nidaamka cadaalada iyo hab raaca isku dheeli tirka awood qeybsiga dalka”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa.

Waxaa kale oo ay ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay mar walba ay hareer mariso Guddoonka Baarlamaanka howlaha ay uga baahnaayeen inay la socodsiiyaan, taasoo uu xusay inay tahay waajib qaran oo sharci u siinaya xeer hoosaadka.

Prof. Dhalxa ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda aysan wali soo afjarin is qab qabsiga iyo is faham la’aanta ka jirta Danjirayaasha Safaaradaha iyo howl wadeenada dibadda oo uu tilmaamay in markii hore si jaantaa rogan ah loogu meeleeyay safaaradaha qaarkood.

Dhowaan ayay aheyd markii uu dib u dhac ku yimid shir Golaha Wasiirada ku magacaabi lahaayeen Illaa 10-Safiiro, iyadoo aan wali la isku fahmin sida Safaaradaha loogu kala magacaabayo safiirada qaar oo ay kala wataan Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka Baarlamaanka.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment