3342 Views

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo dacwad u gudbiyay Baarlamaanka

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo dacwad u gudbiyay Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho,10 March 2016: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday in uu af u bixiyo  kaalinta ay Muqdisho ku yeelaneyso Nidaamka Federaalka iyo Maqaamkeeda.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Golaha Shacabka ay Cadeeyaan Maqaamka ay yeelaneyso Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana uu Baarlamaanka ugu baaqay in ay Deg Deg u soo saaraan Sharuuc Cadeyneysa Maqaamka uu Moqdisho ku leeyahay dhismaha Federaalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu ka mid yahay 18 Gobol ee Soomaaliya,loona baahan yahay in ay Xaquuq helaan dadka ku nool Muqdisho oo Dhowr Malyan gaaraya.

Horay waxaa u jirtay in Dadka ku Muqdisho ay dhigeen Banaanbax ay ku dalbanayaan in la siiyo Xaquuqdii ay Muqdisho laheyd,kuwaas oo sheegay in aysan Macquul aheyn in Xaquuq la’aan ay noqdaan 3 Milyan oo Muqdisho ku sugan, Soomaalina ah.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment