4491 Views

Morgan oo Qaxootinimadi ka soo Laabtay

Morgan oo Qaxootinimadi ka soo Laabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho,10 March 2016: Maroodi lab ah oo u dhashay Soomaali  laguna magacaabo Morgan oo ka mid ah kuwa lagu xanaaneeyo keymaha dalka Kenya, islamarkaasina dhaqdhaqaaqiisa lagala socdo aalad jirkiisa ku rakiban ayaa la sheegey in uu usoo talaabay xudduuda Soomaaliya ka dib marki waalidkiisa ka qaxeen dagaalladi sukeeye.

Ninka lagu magacaabo Douglas Hamilton oo ka tirsan urur lagu magacaabo Save The Elephants ( Badbaadi Maroodiga) ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegey in maroodigani oo lagu rakibay aalad dhaqdhaqaaqiisa lagula socdo uu ka yaabiyey dadka .

“Waxay u egtahay in uu soo xusuustey halkii awoowayaashiisa iyo isaga asal ahaanba uu ka yimid, islamarkaasina daaqsimi jirey” ayuu yiri Douglas oo intaasi ku daray in maroodiga uu galay keenaan aad u dheer , islamarkaasina uu ku jaray masaafo dheer.

Maroodigan oo sodon iyo dhawr jir ah ayay u egtahay in uu ka mid ahaa kuwii ka qaxay Soomaaliya 20 sano ka hor markii uu dagaalka ka dilaacay Soomaaliya.

Waxaa ka yaabiyey dadka duurjoogta daryeela in uu maroodigan ka badbaaday ugaadhsatada.

Morgan ayaa dabeecad ka dhigtey in maalinkii oo dhan uu meel dugaal ah ku jiro, habeenkii oo dhana uu socdaalo, taasi oo u sahashay in uu jaro masaafo dheer isaga oo aanan la kulmin wax caqabad ah.

Ugaadhsiga maroodiga ayaa cirka isku sii shareerey, sanadkii hore oo kaliya waxa ay kooxo burcad ah dileen 20 kun oo maroodi, iyaga oo kala baxay foolka ama faanta, taasi oo loo iib geeyo dalka Shiinaha si sharci daro ah.
Sanadihii 1970naadkii xeebaha dalka Kenya waxaa ku noolaa maroodi lagu qiyaasey 20 kun oo maroodi, balse maanta waxaa hartay 3 boqol oo kaliya, sababtuna tahay ugaadhsiga maroodiga.

Kadib hayaan qaatay 220km , maroodigan boorka ah ee lagu magacaabo Morgan waxa uu gudaha Soomaaliya ku sugnaa muddo 24 saac ah, ka hor intii uusan ku laaban dariiqii hore ee uu soo maray.

Wax maroodi ah ama ugaadh kale ah laguma arag gudaha Soomaaliya, laakiin sanadkii hore ayaa la arkay waxoogaa ugaadh ah kadib hawlgal ciidamada Kenya ay ka fuliyeen gudaha Kenya, taasi oo keentey in ugaadh badan ay usoo cararto dhanka Soomaaliya si ay nabad gelyo u hesho.

world001+pix

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment