5226 Views

Ahmed Aboul Gheit oo loo magacaabay Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta

Ahmed Aboul Gheit oo loo magacaabay Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta
____________________________________________________________________________

Muqdisho,11 March 2016: Wasiirikii hore ee arrimaha dibada Masar Ahmed Aboul Gheit, ayaa loo magacaabay xoghayaha guud ee Ururka Jaamacada Carabta kadib marki uu waqtigiisii dhamaad xoghayihi hore.

Magacaabistiisa ayaa waxaa lagu xaqiijiyey bayaan ay si wada jir ah usoo saareen 22-ka xubin ee uu ururka ka koobanyahay, kadib maalmo dib loo dhigayey in la magacaabo sababo la xiriira dalka Qatar oo diidanaa.

Abul Gheit, oo ahaa wasiirkii arrimaha dibada ee ugu danbeeyey xukumadii madaxweynihi hore ee Masar Xusni Mubaarak ayaa helay kalsoonida dalalka xubnaha ka ah ururka marka laga reebo Qatar oo diiday.

Wuxuu badali doonaa ninka ay isku wadanka yihiin ee Nabil El-Araby, kaasoo isaga goor hore iclaamiyey inuusan mar labaad isu soo taagi doonin xafiiska ururka oo ugu eg bisha Julay ee sanadkaan.

Diidama Qatar ee ka dhanka ah Aboul Gheit ayaa lagu macneeyey iyada oo ku kacsaneyd xakumadii Mubarak ee uu ninkani wasiirka ka ahaa mudo 7 sana ah.

Ahmed Aboul Gheit iyo noloshiisa siyaasadeed

Waxa uu ku dhashay magaalada Cairo sanadki 1942-kii, waa 73-jir ku xeel dheer dilomaasiyada. Wuxuu ahaa wakiilki dalka Masar u fadhiyey Qaramada Midoobay inti u dhaxeeyesay 1999-2004.

Wuxuu ka qalinjibiyey jaamacada Ain Shams University ee dalka Masar sanadki 1964-kii isaga oo bartay ganacsiha. Wuxuu kasoo shaqeeyey wasaarada arrimaha dibada Masar iyo xafiiska Jaamacada Carabta sagaashamaadkii.

Sidoo kale wuxuu sanadki 1992-ki noqday safiirki Masar u fadhiyey dalka Talyaaniga.

Ururka Jaamacada Carabta

Jaamacada Carabta waxaa uu ka koobanyahay 22 wadan, waxaa lagu aas aasay oo xarunna u ah magaalada Qahiro ee dalka Masar sanadki 1945-kii.

Dalalka ku jira ururka waxay ku kala yaalaan Waqooyiga Africa, Bariga Africa iyo Bariga Dhexe. Dalalka African-ka ah ee ku jira ururka waxa ay kala yihiin Masar, Tunisia, Somalia, Morocco, Sudan, Mauritania, Djibouti, Libya iyo Algeria, halka Eritrea ay tahay xunin sharafeed.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment