4293 Views

Japan oo ugu deeqday Dowlada Somalia 38 Malyan oo Dollar

Japan oo ugu deeqday Dowlada Somalia 38 Malyan oo Dollar
____________________________________________________________________________

Muqdisho,11 March 2016: Dowladda Japan ayaa ugu deeqday dowlada Soomaaliya lacag gaareysa 38 malyan oo dollar taasoo si toos ah ay u siineyso dowlada Soomaaliya.

Maanta lagu kala saxiixday heshiiskan magaalada Muqdisho iyadoo uu goobjoog ka ahaa safiirka dowlada Japan ugaga wakiilka ah dalka Soomaaliya.

Xiriirka ka dhexeeya labada dowladood, Japan iyo dowlada Soomaaliya ayaa sii xoogeysanayay sanadihii la soo dhaafay iyadoo dowlada Japan sanadkii aynu ka soo gudubnay ugu deeqday dalka Soomaaliya lacag gaareysa 48 mayan oo dollar lacagtaas oo lagu qabtay mashaariic kala duwan.

Soomaaliya ayaa ku tiirsan deeqaha ay dalalka shisheeye siiyaan iyadoo deeqaahaas lagu hirgeliyo mshaariic kala duwan, wax tarna u leh bulshada Soomaaliyeed.

Dowlada Japan ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka marwalba deeqo lacag ku deeqa dowlada Soomaaliya iyadoo dowlada Japan ay u magacawday safiir rasmi ah dowlada Soomaaliya mudo ka hor.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment