3429 Views

Qarax xalay lala beegsaday Maqaayad ku taalla Garbahaareey

Qarax xalay lala beegsaday Maqaayad ku taalla Garbahaareey
____________________________________________________________________________

Muqdisho,11 March 2016: Maqaayad ku taalla Garbahaareey ayaa laba ruux  ku dhimatay sideed kalana dhaawacyo kasoo gaaray kadib marki xalay miino lagu qarxiyey goob lagu shaaho oo ku taalla magaalada Garbahaareey.

Cabdi Bare Dhageey oo ah Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa oo dhacay xalay abaaro 8:00-PM fiidnimo ay uga shakisanyihiin in ay ka danbeeyaan Al Shabaab.

’’Xalay abaaro 8:00 fiidnimo ayuu qaraxu ka dhacay Garbahaareey, meel mehered ah oo ay gabar laheyd ayaa qaraxu ka dhacay, laba qof ayaa ku dhimatay oo ay ku jirto gabadhi laheyd goobta maqaayada ah, waxaa kale oo ku dhaawacmay 8 ruux.’’ Md. Dhageey.

Wuxuu kale ee uu sheegay in ay jiraan dad ay ciidamada soo qab qabteen kuwaas oo su,aalo lagu weydiinayo saldhiga ciidamada.

Degmada Garbahaareey ayaa ka nabadooneyd qaraxyada bilooyinki dambeeyay.

Qaraxyo kale oo dhawaan ka dhacay maqaaydo ay dadku ku shaahaan oo ku taala magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa iyo 30 ruux. Waxaa qaraxyadaasi sheegtay Shabaab.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment