3756 Views

“Gobol kasta amnigiisa ayuu sugtaa, annagana wax saameyn ah naguma yeelaneyso”

“Gobol kasta amnigiisa ayuu sugtaa, annagana wax saameyn ah naguma yeelaneyso”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,12 March 2016: Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho,Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa ka hadlay tallaabadii dhowaan Amniga Caasimada loogu wareejiyay maamulka gobolka, isagoo rajo ka muujiyay in iyagoo kaashanaya shacabka inay ku guuleysan karaan sugida amniga guud ee Caasimadda Muqdisho.

Mar uu ka qayb qaadanaayay barnaamijka dooda jimacaha ee ka baxa Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ayuu kaga hadlay qorshayaasha maamulkiisa uga degsan sugida gobolka, isagoo xusay in maamulkiisa ku cusub tahay in amniga lagu soo wareejiyay ay ka shaqeeyaan.

“Barnaamijkan waa nagu cusub yahay, qorshaha inooga degsan waxa waaye, maadaama Caasimada tahay, meeshii Soomaali dhan fiirsaneysay ay tahay, hadey nabad noqotana ay ka turjumeyso in Soomaaliya oo dhan nabad noqotay, hadii nabad la’aan tahay dalka oo dhan ay ka turjumeyso in aanay nabad aheyn, ayaa waxaa dooneynaa inaa isugu tagno oo aan awoodeena isugu keeni inaan amniga ka shaqeyno, anagoo shacabka kaashanaya”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Amniga guud ee dalka ay ka mas’uul tahay Wasaaradda Amniga, ka maamul ahaana ay kula shaqeyn doonaan, isagoo xusay in sababta ugu weyn ee amniga lagu wareejiyay ay tahay in shacabka iyo hey’adaha inay isku xirmaanoo ay dadaalaan.

“Cida ugu weyn ee amniga ka shaqeyneysa waa shacabka, innagana waxaa isku xireynaa shacabka iyo Hey’addaha ammaanka, Wasaaradda Amniga sideeda ayay u jirtaa, amniga si guud ah iyada mas’uul uga ah, ka maamul ahaan ayay nagula shaqeynayaan”ayuu yiri Gidoomiyaha.

Waxaa uu sheegay in sugida Amniga Gobolka Banaadir uu ka culus yahay gobolada kale, balse aanu wax saameyn gaar ah aysan ku yeelan doono, isagoo xusay inuu culeys imaanayo, maadaama ay tahay Caasimada Soomaaliya oo ay ku nool yihiin illaa 3-milyan oo ruux.

“Dalka waa Federaal, Nabadsugida qaranka iyo Booliska Qaranka waa heer Federaal, gobol kasta amnigiisa asigaa ayaa sugta, marka gobolada kale amnigooda suganaya ayaa ka mid noqoneynaa, wax saameyn gaar ah naguma yeelaneyso, culeys waa imaanaya, meesha gobol caadi ah ma ahan, waa Caasimada Soomaaliya, Soomaali oo dhan ayaa joogta, 3-milyan ayaa ku nool iyo barakacayaal fara badan, wuuna ka culus yahay gobolada kale, waxaa aad iyo aad u rajeyneynaa in annagoo kaashaneyno shacabka inaan ku guuleysano”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Dadka ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in Mas’uuliyada amni ee lagu wareejiyay Gobolka Banaadir ay tahay mid muhiim ah, balse waxaa la is weydiinayaa sida uu ugu guuleysan karo sugida amniga Muqdisho, maadaama Hey’addihii ugu sareeyay dhinaca amniga ay ku guuldareysteen ka hortaga weerarada Al-Shabaab ka geysanayaan magaalada iyo falalka amni dari ee dhaca xilliyada qaarkood.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment