3309 Views

Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in laga qaado Soomaalia cunaqabateynta hubka

Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in laga qaado Soomaalia cunaqabateynta hubka
____________________________________________________________________________

Muqdisho,12 March 2016: Wasiiradda Arrimaha dibada Jaamacada Carabta ayaa ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran. 

Fadhigi 145aad ee Wasiiradda Jaamacadda Carabta ayaa laga soo saaray war murtiyeed lagu taageerayo dadaalada dowladda Soomaaliya ee dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada laga gaaray.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ayaa soo dhoweeyeen heshiiska lagu gaaray hanaanka doorashada ee sanadkan 2016 ka dhaceysa Soomaaliya, taasoo ay ku tilmaameen aragti qurux badan.

Waxaa ay ugu baaqeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey inay qaadaan xayiraada dhinaca hubka ah ee saaran Soomaaliya, si ay ugu suurta gasho dhismaha Ciidamada qaran ee Soomaaliya.

Waxaa kale Wasiiradda Arrimaha Dibadda Jaamacada Carabta ay ku baaqeen in la fuliyo balanqaadkii sanadkii hore ee Soomaaliya loogu deeqay lacag gaareysa 10-milyan oo dollar.

Ugu dambeynti waxaa ay ku baaqeen in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay Soomaaliya, si ay u hesho taageerada caalamiga oo an shuruud ku xirayn.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment