2970 Views

Guddiga arrimaha dibadda ee barlamaanka oo hambalyo u diray xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta

Guddiga arrimaha dibadda ee barlamaanka oo hambalyo u diray xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta
____________________________________________________________________________

Muqdisho,13 March 2016: Guddiga arrimaha dibadda ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Xoghayaha Cusub ee Jamacadda Carabta  Ahmed Abuu  Gheit  Wasiirkii hore arrimaha dibadda ee dowladda Masar Waqtigi Xuni Mubaarak.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee Barlamanaka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in uu yahay  nin aqoon wanagsan u leh Soomaaliya,  isla markaana  jecel horumarka iyo nabad gelyadda guud ahaan dalka Soomaaliya.

“Nin Jaamacadda carabta wax badan ka soo shaqeeyay waaye, isla markaana Soomaaliya wax badan ka og xaaladeeda, runtii waan ugu hambalyayneynaa xilka loo magacaabay ee ah xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay Masar oo ay ka mid tahay Wasiirka Arrimaha dibadda” ayuu yiri Prof Dalxa.

Xildhibaan Dalxa ayaa tilmaamay in Jaamacadda Carabta ay markasta ka go’antahay sidii Soomaaliya looga caawin lahaa nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalka

Ahmed Abuu Gheit oo dhawaan loo magacaabay xilka Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si rasmi ah 1-da bisha July, 2016 la wareegi doono xilkaasi.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment