3360 Views

Guddoonka Baarlamaanka oo soo saaray qaraar ku aadan Amniga dalka

Guddoonka Baarlamaanka oo soo saaray qaraar ku aadan Amniga dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho,13 March 2016: Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa qaraar ku saabsan Amniga dalka, kadib kulamadii Baarlamaanka ee lagu weydiinayay su’aalaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Mas’uuliyiinta Hey’addaha Ammaanka dalka.

Qaraarkan oo ka kooban 15 qodob ayaa waxaa lagu faray Xukuumadda inay xaqiijiso Amniga dalka, tababarka ciidamada, xuquuqdooda iyo siyaasad cad laga keeno dhalinyarada ka soo goosta Shabaab iyo in la isku furo jidadka degmooyinka gobolada dalka. Qaraarkan an kor ku soo xusnay, waxaa Saxaafadda ka hor aqriyay Gudoomiyaha k/xigeenka labaad ee Barlamaanka Mahad Cabdalla Cawad:-

1.Waxaan Xukuumadda U Soo Jeedineynaa In ay Soo nooleyso ku dhaqanka Sharci No8 Ee Soo Baxay 30kii maarso 1965 oo magaciisu ahaa nidaamka xaqsiinta Ciidanka Qalabka Sida iyo dadka ku waxyeellooba ama ku geeriyooda difaaca dalka, Iyo Shuruucdii ka dambeeysay , isla markaana dhisto heyad qaran oo madaxbanaan oo fulisa sharcigan, si loo daryeelo Ciidanka, Agoonta Ciidanka iyo dadka shacabka ee k u waxyeelooba difaaca dalka.

2.Waxaa xukuumadda ugu baaqeynaa in ay joogteeyso Mushaarka iyo xuquuqda Ciidanka iyadoo la qadarinayo Darajada Ciidanka.

3.Waxaa Xukuumadda u soo jeedineynaa in ay dib u habeyn ku sameyso mushaarka Ciidanka iyadoo la qadarinayo Maciishadda Dalka.

4.Wuxuu Golaha Shacabku ka sugayaa Xukuumadda siyaasadda Amniga iyo Siyaasadda Difaaca Qaranka Kalfadhiga Soo Socda

5.In Dib u Eegista Miisaaniyadda lagu Soo Daro Miisaaniyad Loogu Talagalay Xooraanka iyo Howlgalada lagu adkeynayo Amniga.

6.Wuxuu Golaha Shacabku Xukuumadda Farayaa in ay la timaado la Xisaabtan Saraakiisha ka soo saara Ciidanka Qaranka Degmooyinka Qaarkood, Taasi oo Kaliftay in Nabaddiidka Qal-qal Galiyaan Deegaanada Dowladdu ka taliso, sidoo kalana lagu sugayo in kalfadhiga Goalaha Shacabka Horkeento Siyaasadda Isku Dhafka Ciidanka.

7.Waxaa Xukuumadda ku adkeeneynaa in laga Howlgalo Isku Furka Jidadka Isku Xira Degmooyinka Dalka Si Go’doonka Looga Saaro Degmooyinka ay Cunaqabateeyaan Al-shabab.

8.Xukuumadda Waxaan Ka Sugeynaa Kalfadhiga Sideedaad, in ay soo Diyaariyo Siyaasad ku Aaddan Ciidamada Ka Soo Goosto Al-Shabab.

9.Waxaa Xukuumadda Ugu Baaqeynaa in ay Dhinac Walba ka taakuleyso Deeganada ay ka howlgalaan Ciidamada Madaniga ah ee Taabacsan Dowladda Soomaaliya.

10.Waxaa Sidoo Kale xukuumadda Ugu Baaqeynaa in ay soo Diyaariso Hannaan lagu Mideynayo Tababarada kala ee Ciidamada lagu siinayo Dalalka kala Duwan.

11.Waxaa Xukuumadda Lagu Adkeynayaa in ay Hubiso Kala Soocidda Xilalka iyo Waajibaadka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda iyo Maxkamadda Madaniga ah, iyada oo Makamadda Ciidanku Ka reebbantahay Maxkamadeynta Dadka Rayadka ah.

12.Golaha Shacabku Waxa uu u heellanyahay la shaqeynta Hay’adda Fulinta, iyo Hay’adaha Amniga iyada oo loogu Baaqayo u hoggaansamidda u yeeridda Masuuliyiinta, Si Golaha Shacabku u guto waajibaadka Dastuuriga ah Ee Kormeeridda iyo Kor Joogidda Heyadaha Fulinta Ee Heer Qaran, Iyadoo Ciddii u Hoggaansami weyda uu Golaha Shacabku Xaq u yeelanayo Dib u Eegista Xilkooda Si Waafaqsan Qodobka 69Aad Ee Dastuurka Dalka.

13.Waxaa Xukuumadda iyo Laamaha Amniga Fareynaa in la Xoojiyo Wadashaqeynta Hay’adaha Dowladdu La leeyihiin Qeybaha kala Duwan Ee Bulshada Si Loo Xoojiyo Amniga loona Baahiyo Ilaalinta Nabadgalyada.

14.Waxaa Laamaha amniga la farayaa in shacabka ay u caddeeyaan Hanaan hannaan Cad iyo Ciwaano Shaqeeya oo ay ay la soo Xiriiri Karaan si ay uga qeybqaataan adkeynta Amniga.

15 Wuxuu Goalaha Shabku Dhiirri galinayaa Ciidanka Qalabka Sida Dhammaantiis si ay u gutaan waajibaadkooda, Anaga oo u taagan ilaalinta iyo Difaaca Xuquuqda ay leeyihiin.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment