3786 Views

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in maxkamad la soo taagi doono dadka lagu soo qabtay maandooriyaha

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo sheegay in maxkamad la soo taagi doono dadka lagu soo qabtay maandooriyaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho,13 March 2016: Axmed Cali Daahir Xeer ilaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in sharciga la horkeeni doono ciddii lagu helo ka ganacsiga maandooriyaha, isagoo ka digay dadka arrimahaasi ku lugta leh.

Xeer Ilaaliyha Guud ee Qaranka oo ka hadlay  goob  lagu soo bandhigay  Maandooriye lagu qabtay qeybo ka mid ah degmada Hodan ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka shaqeyaan midnimadood oo ay xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha amniga, waxaana uu intaa ku daray in ciddii lagu helo ka ganacsiga maandooriyaha maxkamad lala tiigsan doono.

Xeer Ilaaliyaha ayaa hoosta ka xariiqay inay socoto baaritaanno lagu ogaanayo dadkii lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya, isagoo intaa ku daray in marka ay soo baxdo natiijada baaritaanka ay la wadaagi doonaan bahda saxaafadda si ay ula socdaan

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment