6726 Views

Dowladda Itoobiya oo ka danbeysa in Webiga Shabelle biyo la’aan noqdo wabiga Shabelle

Dowladda Itoobiya oo ka danbeysa in Webiga Shabelle biyo la’aan noqdo wabiga Shabelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho,14 March 2016: Waxaa la sheegayaa in Itoobiya ay xirtay qeybo ka mid ah biyaha wabiga Shabeelle waxaana taas ay sababtay in wabiga uu biyihii yareeyo ama uu guro.

Sidaas darteed arrintan ayaa sababtay in hoos u dhac uu ku yimaado biyaha Webiga waxaana laga dareemay deegannada uu u maro wabiga oo dadku ka cabanayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay ayaa sheegay in labo arrin ay sababtay in wabiga Shabeelle uu biyo yareeyo.

Midda koowaad ayuu ku sheegay Ethiopia oo biyo-xireen weyn gudaha dalkeeda ka sameysatay isla markaana biyo badan leexsatay si ay ugu waraabiso beero ay leedahay, iyo roob yari ka jirta guud ahaan goballadda uu wabiga Shabeelle maro.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobalka Hiiraan wuxuu ka hadlayaa halka uu marayo shirka maamul u sameenta goballadda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo hakad uu ku yimid markii odayaasha gobalka Hiiraan ay qaadaceen ka qeybgalka shirka markii ay ku qanci waayeen sidda ay wax u socdaan. Lama oga wax shirkaas ka soo bixi-doono.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment