5055 Views

Golaha Culimada Magaalada Gaalkacyo oo la aasaasay.

____________________________________________________________________________

Gaalkacyo | QOL | March 13, 2016 – Iyada oo ay isasoo tarayso baahida loo qabo Marjic Culimo oo Dadku ay kusoo hirtaan Masalooyinka iyo arimaha kusoo dariyana u furdaamiya, isla markaana xal kama danbays ah kasoo saara arimaha waaweyn ee umada soo food saara ayaa waxaa Mu’asasada Alminhaaj ee Dacwada iyo Horumarinta Puntland ay bilowday in Magaalooyinka waaweyn laga aasaaso Golayaal Culimo oo Diinta iyo Dadkaba u adeega.

Iyada oo yoolkaas laga duulaya ayaa Galabnimadii Jimcaha oo Taariikhdu ay ku beegnayd 1.Jumaadu thani.1437 oo waa faqsan 11.03.2016  waxaa Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Dabakha sare ee Masjidak Ramadaan ee Xaafada garsoor ka qabsoomay Kulan lagu aasaasayay Golaha Culimada ee Degmada Gaalkacyo.

Golahaani ayaa waxaa uu yahay Golaha Culimada weeweyn ee Salafiyiinta ah kuna nool Magaalada Gaalkacyo waxaana loo aasaasay sidii loo muujin lahaa Culimada Rasmiga ee Dadku ay leeyihiin, uuna Goluhu uga shaqayn lahaa Arimaha Diinta iyo Arimaha Bulshada, ugana hor taga afkaarta khaldan ee Bulshada loosoo dhoofinayo.

Waxaa kasoo qayb galay Kulanka Golaha lagu aasaasayay Culimada fara badan iyo Dulaabul cilmi dhamaantood Dacwada ka wada shaqeeya waxaa kulanka Furfurayay Sh.Xuseen Cigaal Caashuur oo ka hadlay Ahmiyada isku xirnaanta iyo ka shaqaynta Dacwada waxaana uu sheegay Midowgu inuu keenaya Cizi iyo Sharaf Guulna uu horseed u yahay.

Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj ee Gaalkacyo Ustaad Maxamed Siciid Muuse oo Kulanka ka hadlay ayaa waxaa uu ka warbixiyay Xaaladda Dacwada Degmada Gaalkacyo, waxaa isaguna Ujeedka Kulanka ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka Mu’asasada Alminhaaj ee Gaalkacyo C.wali  xuseen muuse.

Axmed Maxamed Xirsi (Faratooyo) oo kamid ah Dulaabul Cilmiga wax ka barta Machadka Sare ee Ducaadda ee Hargaysa oo Fasax ku joogay Magaalada ayaa isaguna waxaa uu halkaas kasoo jeediyay Talooyin wax ku ool ah oo ku aadan Golaha Culimada iyo Guud ahaan Dacwada Mandiqadaba.

Intaas kadib waxaa la magacaabay Culimada Xubnaha ka noqonaya Golaha oo Magacyadooda ay kala ahaayeen:

1.Sh.Xuseen Cigaal Caashuur.

2.Sh.Aadam Maxamed Cigaal.

3.Sh.Badal Maxamuud Sugule.

4.Sh.Cilmi Yuusuf Axmed.

5.Sh.C/caziiz Axmed Aadam.

6.Sh.Maxamuud Ibraahim.

7.Sh.C/xakiim Xirsi Maxamed.

Golaha ayaa waxaa ay guda gali doonaan Shaqooyinkooda iyada oo ay ugu horayso inay soo doortaan Hogaankii Golaha.

Iskusoo wada duuboo Aasaaska Golahaan ayaa waxaa uu noqonayaa kii u horeeyay ee noociisa ah oo lagu kulmiyo Culimada waaweyn ee Salafiyiinta ee Magaalada Gaalkacyo.

Golaha-Culimada-gaalkacyo-1 Golaha-Culimada-gaalkacyo-2 Golaha-Culimada-gaalkacyo-3 Golaha-Culimada-gaalkacyo-4

 

.

Cabdiraxmaan Cabdinuur Cabdulaahi – Gaalkacyo

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment