3360 Views

Qaramada Midoobey Oo Baaraysa Xiriirka Kadhexeeya Shirkadda Soma Oil iyo Ururka Alshabaab.

Qaramada Midoobey Oo Baaraysa Xiriirka Kadhexeeya Shirkadda Soma Oil iyo Ururka Alshabaab.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,14 March 2016: Guuddi Qaramada Midoobey ka tirsan ayaa baaraya suurtagalnimada in uu xiriir u dhexeeya agaasimaha qaybta Africa ee shirkadda Soma Oil and Gas iyo xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya. Wargeyska The independent oo warkaani qoray ayaa sheegaya in warqaddaasi oo lagu daabacay barta intarneedka ee BuzzFeed ay ka timid guddiga Qaramada Midoobey ee la socodka cunaqabataynta hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea. Macluumaadka ku saabsan baaritaankani ayuu wargeyska sheegay in laga helay warqad si qarsoodi ah ay ku heleen diblomaasiyiin u dhashay dalka Norway, Shirkadda Soma Oil and Gas ayaa waxaa madax ka ah Michael Howard oo ahaa hoggaamiyihii hore ee xisbiga muxaafidka ee haya xukunka Britain. Shirkadda Soma Oil ayaa beenisay eedeymahaasi, waxa ayna sheegtay in agaasimaha shirkadda ee qaybta Afrika uusan wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaab iyo koox kale oo xag jir ah, warbixintaasina ay tahay mid aflagaado ah oo lagu waxyeeleynayo sumcaddiisa iyo sumcadda Shirkada Soma Oil.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment