4785 Views

Rajad-dhalanteedka basaasiinta iyo arxan xumada UNHCRta ee wadanka Hindiya:

____________________________________________________________________________

New Delhi, India | QOL | March 13, 2016 – Sida aan qoraalo farabadan oo u badnaa cabasho ku soo qoray jaraa’ido inta badan ka soo baxa wadanka Hindya,kuwaasoo u badnaa kuwa taabanaaya daryeel la`aanta iyo arxan xumada, naxariis la`aanta  ha`ada u qaabilsan qaramada midoobay qaxootiga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (UNHCR),iyo dhaqaalaheeda dhiig miiradka  meel kasta oo ay aduunka ka  joogaan,waa dad naxariistii alle gebi ahaantii laga siibay oo ka beec mushtara dhiiga iyo mucaawinada qaxootiga dhiban ee loogu dhiibay mucaawinada  si loo gaarsiiyo dadka barakacayaash ah,meeshii ay ka gaarsiin lahaayeen iyaga ayaa jiibka ka buuxsada si musuqmaasuq ahaan ah  oo qaawan,waxa ayna ku shubtaan bangiyo kala duwan oo aduunka ku yaala iyo weliba magacyo kala duwan  si aan garan loo daba gelin.

Taas oo ay tahay haddii aad u fiirsato,waxa ayaad arkaysaa waqtiyada kaarkood wax aad la yaabto oo xitaa ka baxsan caqligaaga bani`aadamka ah ,waxa ayaadna  arkaysaa dowlad iyo shaqaalaha oo ku heeshiinaayo in ay ka sameeyaan magaca qaxootiga lacag farabadan,waxa ayna u isticmaalaan wax kasta oo bani`aadamku ka hishoodu waxa ayna arrintaa  u samaynayaan shaqsi ahaan si ay u gaaraan hormarka ay ku riyoonayaan amaba ay taami jireen inta aysan helin howlaha bani`aadanimada ee loo wakiishay.

Haddii aan tusaale u soo qaadano wadanka Hindya qaxooti farabadan ayaa ku nool oo inta badan ku noolaa mudooyin farabadan,iyadoon haba yaraatee aan wax loo qaban,qaarkoodna ay ku nafwaayeen iyagoo sugayaa waxa loogu magic daray (RAJADA DHALANTEEDKA AH ) qaxootigaas malahan wax haba yaraatee xuquuq ah,waxa ay la mid yihiin EYGA meelaha qaar EYGA ayaa sharaf leh,marka loo eego cida haysta meesha ay ka soo jeedaan iyo lacagta ay leeyiin,sidaa  oo ay tahay dad Soomaaliyeed ayaad arkaysaa in ay ku jiraan rajo oo shaqooyin ayay siiyaan ha`aadaan ku mashquulsan sidii ay uga samayn lahayd lacag magic qaxootiga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (UNHCR) sabatuna waxa ay u siinayaan  si ay u soo jaajuusaan walaalaha kale ee Soomaaliyeed ee qaxootiga la qoran,dadkaas basaaska ku sifoobay ayaa  waxa ayaa loo balan qaaday in loo qaadi doono wadamada hormaray sida reer walbeedka,kuwa waa ay helaan balan qaadkaas.kuwana ma helaan oo waaba laga yaabaa jaasuusnimadooda sababtoo ah nin basaas ah cid doonaysa malahan oo wadamadaas ayaaba maraka qaarkood soo diida sababtoo qof basaas ah sumcad malahan wadankii qaada ayuu soo basaasayaa  ileen wixii aad barato waa belo,waxa ayna tahay shaqadoodu in ay u kuur galaan soona aruuriyaan sirta shaqsiyaad dano gaar ah laga leeyahay  iyo weliba guud ahaan jaaliyada Soomaaliyeed oo ay ka dhasheen.musiibadaan uurku baalaha ah soona kordhaysa maalinba maalinta ka danbaysa waxa ay dhibaato ku tahay qaxootiga Soomaaliyeed eek u firinsan aduunka daladiisa.

Kud ka guur oo qanjo u guur ayay maraysaaoo weliba waxa ayaa intaa dheer wixii la sugaayay intaa oo sano ayaa noqday hal bucaad lagu lisay,basaastii qaarkood ayaa bilaabay inay ka shalaayaan iyo weliba cuduro hor leh oo nagu arkay waxa ayaana mid ah hudo la`aan iyo iyagoo mar kasta isku dhexyaacsan iyo shaki xowli ah.arrimahaan ayaa ah kuwa  gebi ahaan jilaafsatay CAQLIGII ama DAMIIRKII Soomaaliyeed  waana caado  ugub ku ah dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

.

By: Kassim Isse Dhuhulow(MR. Blackgold),

Freelance Journalist and advocate for Somali Community in India,

New Delhi-India.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment