3624 Views

Wasiirka dhallinyarada oo lagu soo dhoweeyay Waddanka Ingriiska.

Wasiirka dhallinyarada oo lagu soo dhoweeyay Waddanka Ingriiska.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,14 March 2016: Xaflad ay soo qaban qabaiyeen Jaaliyadsa Soomaaliyeed ee ku nool cariga Ingiriiska ayaa waxaa si wayn loogu soo dhaweeyey Wasiirka dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo howlo shaqo u jooga dalka Britain.

Waxaa xafladdaan soo dhaweynta ah ka qayb galay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo uu ka mid ahaayeen Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere) Xildhibaanno iyo Xoghayaha guud ee xirirka kubadda Kollayga Soomaaliyeed Duraan Faarax, waxaana intii ay socotay munaasaabdan mas’uuliyiintani ka dhagaysteen Jaaliyadda fikrado kala duwan oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa dhallinyarada iyo cayaaraha .

Waxaa sidoo kale Wasiirada la waydiiyey su’aalo ku aadan qorshaha dawladda ee dhallinyada iyo cayaaraha, iyadoo ay mas’uuliyiintu ka jawaabeen dhamaan s’,aalihii kagayimid dhanka Jaaliyadda kulanka soo qaban qaabisay.

Munaasabadda ayaa waxaa si weyn uga dhex muuqanayey bahda cayaaraha, iyadoo ay goobjoog ahayaeen cayaaryahanno horay ugu soo cayaaray Qaranka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Sayga Ruushka, Xaawo Taako iyo xubno isugu jiray ganacsato iyo tabbabarayaal ku howlan sidii ay garoomo uga hirgelin lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya .

Dhanka kale waxaa munaasabdan kasoo qayb galay qaar ka mida fanaaniinta Soomaaliyeed ee kunool dalkan Ingiriiska, iyagoo halkaasi kusoo bandhigay heeso Waddani ah oo ay ugu soo talo galeen xafladda soo dhawaynta ah, waxaana gabogabadii xafladda ay dhamaan mas’uuliyiintii kasoo qayb galay si weyn ugu mahadceliyeen dhamaan xubnihii soo agaasimay munaasabadan .

IMG_0012IMG_0020IMG_0024-1IMG_0025IMG_0037IMG_0028

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment