12567 Views

FURSADO GANACSI OO KA FURAN SOMAALIYA, GAAR AHAAN MUQDISHO.

____________________________________________________________________________

 

Sideedaba dal waxaa dhisa dadkiisa iyo in loo helo Maalgelin ku salaysan wax soo saar Qiima u leh dalka iyo dadkiisa, Maal gelintaasna waa in ay noqotaa mid ku salaysan waqtiga dhow iyo waqtiga dheer laba daba.

Hadaba iyadoo Amniga Muqdisho laga dareemayo ISBEDEL la isku halaynkaro iyo Shacabka kunool Muqdisho oo ay Tiradooda sii kordhayso MAALIN KAST, ayaa waxaa soo if baxaya FURSADO ganacsi oo kala duwan una baahan in looga fa’idaysto siyaabo kala duwan, taasi oo ku xiran Dhaqaalaha Shirkada ama Shaqsiga uu haysto iyo aqoonta Ganacsi ee ay leeyihiin shirkadaha ama shaqsiyaadka danaynaya in ay Maalgashtaan Somaaliya.

Somaaliya waxay lee dahay dhul balaaran oo loo istic maali karo wax soo saarka noocyadiisa kala duwan, taasi oo abuuri karto in loo iib geeyo Aduun waynaha, iyadoo alaabtaasi lagu samayn karo qiimo aad u JABAN, isla markaasina laga samayn karo Fa’ido wax ku ool ah.

Waxaa kaloo jira wax yaabo daruuri ah oo aad loogu bahan yahay, lagana samayn karo Ganacsi fa’ido balaran leh, waxaana ka mid ah Fursadahaas GANACSI ee aadka loogu baahi Qabo oo ah wax yaabaha daruuriga ee loyaqan (Service provider) oo dadka inta badan ay aad ugu dhib qabaan helidooda ama lagu siiyo QIIMO aad QAALI ugu ah shacabka, madaama aysan jirin Dowlad ku samaysa dabagal Qiimaha Xad dhaafka ah ee loogu qabto SERFISKA Shacabka.

Hadaba mar aan wax ka waydiinay shaqsiyaad wax badan ka Og Sababta ay Dowlada ugu samayn wayday dabagal Shirkadaha SERFISKA sameeya ee Cadaadiska ku haya Shacabka, waxaana soo ogaanay in uu ka dhexeeyo XIRIIR hoose oo is faham ah Shirkadaha iyo Hay’adaha ay masuuliyadoodu tahay dabagalka shirkadaha ku qaaliya Shacabka Serfiska ay soo saaraan. Taasina waxay dhalisay in la iska iloobo Shacabka lana fiirsado DANAHA gaarka ah.

Wax yaabaha aad loogu dhib qabo, Shacabkuna ay mar walba ka CABTAAN, waxaa ka mid ah.

  • BIYAHA loo is ticmaalo Nolosha guriga iyo BIYAHA la Cabo.
  • Waxaa kale oo aad loogu dhib qabaa KORONTADA.
  • Waxaa kale oo aad QAALI u ah Maciishadaha kala duwan.
  • Waxaa kale oo aad QAALI u ah DAAWADA oo ay adag tahay in aad hesho dawo Taya leh.
  • Waxaa kale oo aad QAALI u ah MAACUUNTA iyo ALAABTA Guryaha oo ay aad u LIIDATO Tayadooda ama (quality ahaan)
  • Waxaa kale oo aad Qaali u ah Alaabta KORONTADA oo ay aad u liidato Tayadeeda.

Waxaan la kulmay Hooyo haysata Caruur Agoon ah uu ku jiro Canug CUURYAAN oo mar walba loo gado DAAWO, oo degen Guri ku meel gaar ah oo ka samaysan Jiingad, waxay igu tiri “waxaan degenahay LABA qol iyo berso, waxaa iigu jira 3 NAL oo Wat koodu yahay 3 ilaa 5 wat, waxaan shidaa habeenkii bacdal Maqrib, waxaan damiyaa Subaxdii lixda (6 Am in the Morning) waxaa Bishii la ii Keenaa Qarash DHAN $30 ilaa $40 dollar, BIYAHA waxaan ku dhiibaa $20 dollar, waxaan haystaa agoon qof iishaqeeyo majiro, Aniga ayaa u soo Xamaala Caruurta, Bishii waxaa i soo gala QARASH dhan ilaa $100 dollar, hadii aan ka dhiibo BIYAHA IYO KORONTADA iyo DAWADA canuga Xanuunsan  maxaan ku QUUDIYAA CARUURTA, ilmahayga mahaystaan wax barasho Iskuul oo ma awoodo”)!!!

War iyo dhamaan waxaa loo bahan yahay in la helo Dowladii si dhab ah ugu samayn lahayd dabagal iyo la xisaabtan buuxa Shirkadaha CADAYSTAY in ay dhuunta qabtaan Shacabka maatada ah ee aan haysan SHAQOOYIN kaafiya Noloshooda Gaarka ah.

Waana arinta noqon doonto wax yaabaha laysku xisaabin doono DOORASHADA sanadkan, waayo hadii aan la DARYEELIN ama loo qaban shaqada ay mudan yihiin Shacabka, ma waxaa laysku dooran doonaa KAARKA II BUUXI?

Waxaan sugnaa waa Cadaalada oo lafuliyo iyo in uu yimaado isla xisaabtan dhab ah, si loo sahlo nolosha Shacbka oo sii ADKAANAYSO maalinba maalinta ka dambayso.

Waxaan si gaar ah ugu dardaarmayaa SAXAAFADA XORTA ah in ay kaydiyaan, wax kasta oo dhib ku ah nolosha  Shacabka, laguna duud siinayo XUQUUQDOODA, si mustaqbalka loogula Xisaabtamo Shaqsi kasta ama Shirkadii Xalaashata BOOBKA Shacabka danyarta ah.

Qaranimo-online

Muqsho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment