4506 Views

Afweyne iyo Tiicey oo xabsi lagu xukumay

Afweyne iyo Tiicey oo xabsi lagu xukumay
____________________________________________________________________________

Muqdisho,15 March 2016: Wararka ka helnay dalka Beljimka ayaa sheegaya in Maxamed Cabdi Xasan oo ku magac dheer Afweyne lagu xukumay xabsi gaaraya 20 sano kadib markii lagu helay dambi ah burca badeednimo.

Maxkamada la soo taagay Maxamed Cabdi Afweyne oo ah 58 sano jir kuna xirnaa dalka Beljimka muddo saddex sano ah ayaa ku eedeysay inuu hogaaminayay koox burcad badeed ah oo afduubatay markabka Pompei xili uu marayay xeebaha Soomaaliya.ay la socdeen shaqaalo dalkaasi u dhashay sanadkii 2009-kii.

Afweyne sidoo kale waxaa lagu helay dambi ah inuu sameeyay jirdil loo geystay shaqaalaha markabka. Markabka lagu magacaabo Pompei oo ay la socdeen 10 xubnood oo badmaaxiin ah ayaa afduub ahaan loogu heystay Soomaaliya inka badan 70 maalmin, waxaana lagu sii daayay madax furasho gaareysa 2 milyan oo dollar.

Maxkamada ayaa sheegtay in Afweyne uu racfaan ka qaadan karo xukunka, waxaana sidoo kale lagu amray inuu bixiyo 20,000 oo Yuuro oo la siinayo qoyska kabtanka markabka waday.

Sidoo kale waxaa xabsi shan sano ah lagu xukumay Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiiceey madaxweynihii hore ee Ximan iyo Xeeb, kadib markii lagu eedeeyay inuu door ku lahaa arimaha burcad badeednimada, balse waxaa u dhamaaday waqtiga lagu xukumay marka loo eego seddex sano oo uu ku xirnaa dalka Belgium-ka.

Maxamed Cabdi Xasan iyo Maxamed Cabdullahi Aadan ayaa iskood u tegey dalka Beljimka kadib markii lagula heshiiyay in uu Maxamed Cabdullahi Afweyne uu ka qeybgalo jilida filim burcad badeednimo oo lacag badan lagu siinayo.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment