3384 Views

Dowladda Federaalka oo ka xumaatay hadalkii Puntland

Dowladda Federaalka oo ka xumaatay hadalkii Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho,16 March 2016: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay hadalkii ka soo yeeray Maamulka Puntland ee ahaa in dowladda Dhexe wax ka ogtahay duulaanka lagu soo Puntland, markii dagaalyahano la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay Isniintii ka dageen xeebaha deegaanka Garacad.

Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay dagaalyahanada gaaray Puntland ay yihiin kuwo meel ka tagay, meel kalena u guuray.

“Waa ka xumahay in Furun cusub inay tageen, hadii la wada shaqeeyo meel waa looga soo wada jeesan karaa, aniga waxaa oran karaa waa kuwo meel ka guuray meel kalena u guuray, marka waa in meel uga soo wada jeesanaa”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa sheegay in aanay jirin wax ka dhaxeyn kara iyaga iyo Al-Shabaab, isagoo xusay inuu ka xun yahay in Mas’uuliyiinta Puntland ay hadalka sidaas u dhigaan.

Cabdi Xirsi Qarjab Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in dowladda Federaalka wax ka ogtahay dagaalyahanada soo gaaray Xeebaha Puntland, isla markaana arrintan sabab u tahay diidmadii Puntland ee 4.5

Dadka odorasa arrimaha argagixisada iyo kobaca kooxaha jihaad-doonka ayaa sheegaya in dagaalyahanada cusub ee gaaray deegaanada xeebaha Puntland uu qorshahooda ugu weyn yahay sidii ay u geli lahaayeen Buuraleyda silsiladaha leh ee Golis, si ay aag cusub oo dagaal ugaga furaan gobolada waqooyi bari Soomaaliya, halkaas oo ay xiiso u qabaan.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment