3030 Views

RW Cumar oo la kulmay RW Talyaaniga Matteo Renzi

RW Cumar oo la kulmay RW Talyaaniga Matteo Renzi
____________________________________________________________________________

Roma March 16, 2016 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga, ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi, waxana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga iyo xoojinta iskaashiga labada dawladood.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi casuumaada rasmiga ah iyo soo dhoweyntii quruxda badneyd ee wafdigiisa loo sameeyey.
Ka dibna waxuu warbixin kooban ka siiyey xaaladda Soomaaliya iyo horumarka ay Dowladdu sameeysey ee la xiriira dhanka amniga, dhismaha maamullada dalka, dib u heshiisiinta, maamul wanaaga iyo dib-u-eegista dastuurka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi ayaa ballanqaaday inuu garab taagan yahay Soomaaliya isla markaana ay Talyaaniga ka caawini doonaan shacabka soomaaliyeed arrimaha soo celinta nabad-gelyada iyo sidii Soomaaliya ay mar-kale cagaheeda isugu taagi lahayd, iyadoo labada Ra’iisul Wasaare isla garteen in la abaabulo Shirka Iskaashiga Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Talyaaniga si kor loogu sii qaado xiriirka labada dal ee soo jireenka ah .

rw-cumar-rw-talyani-3

.

.

_______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment