3123 Views

Shir weyn oo looga hadli doono Xoojinta Xiriirka ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga

Shir weyn oo looga hadli doono Xoojinta Xiriirka ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho,16 March 2016: Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma,arke Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray Waddanka Talyaaniga ayaa maanta la filayaa in kulan ballaaran ay la qaataan Madaxda waddankaas.

Kulanka oo ka dhicidoona Wasaaradda Arrimaha dibadda Talyaaniga  waxaa isugu imaan doona Madax ka tirsan Dowladda talyaaniga iyo Ganacsato, iyadoo u jeedkiisu yahay shirkan  dib u soo nooleynta Xiriirkii Dhanka ganacsiga ee ka Dhexeeyay Waddamada Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Mas’uuliyiin waaweyn ayaa la filayaa in  shirkaan ay  isugu imaan doonaan, iyadoo laga wada hadli doono xoojinta xiriirka Ganacsiga ee labada dal inkastoo aanan wali helin magacyada Mas’uuliyiinta Shirkaan Imaandoona.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ee jooga talyaaniga ayaa la filayaa in ay Dowladda Waddankaas la yeeshaan kulamo badan kaas oo Talyaaniga looga dalbanayo in ay Maalgashi ku sameystaan Waddanka Soomaaliya maadaama hadda Talyaaniga uu aad ula shaqeeyo Dowladda Soomaaliya.

iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay Gaaray Waddanka Talyaaniga ayaa maanta la filayaa in kulan ballaaran ay la qaataan Madaxda waddankaas.

Kulanka oo ka dhicidoona Wasaaradda Arrimaha dibadda Talyaaniga  waxaa isugu imaan doona Madax ka tirsan Dowladda talyaaniga iyo Ganacsato, iyadoo u jeedkiisu yahay shirkan  dib u soo nooleynta Xiriirkii Dhanka ganacsiga ee ka Dhexeeyay Waddamada Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Mas’uuliyiin waaweyn ayaa la filayaa in  shirkaan ay  isugu imaan doonaan, iyadoo laga wada hadli doono xoojinta xiriirka Ganacsiga ee labada dal inkastoo aanan wali helin magacyada Mas’uuliyiinta Shirkaan Imaandoona.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo jooga talyaaniga ayaa la filayaa in ay Dowladda Waddankaas la yeeshaan kulamo badan kaas oo Talyaaniga looga dalbanayo in ay Maalgashi ku sameystaan Waddanka Soomaaliya maadaama hadda Talyaaniga uu aad ula shaqeeyo Dowladda Soomaaliya.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment