3408 Views

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Sheegay In Qorshihii Shirka Jowhar Wax Laga Bedelayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Sheegay In Qorshihii Shirka Jowhar Wax Laga Bedelayo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho,16 March 2016: Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wasaarada ay ku dadaaleyso sidii loo qancin lahaa beelaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Cabdiraxmaan Odawaa, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay  in kulamo kala duwan uu  magaalada Beledweyne kula qaatay xubnaha beelaha dhaliilsan shirka laga furmay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in wixii horay ay u qoreen aysan ahayn waxyi waajib ah oo aan waxba laga bedeli karin laakiin ay doonayaan inay xilligaan isbedel ku sameeyaan arrimaha qoondada iyo ergooyinka. Hadalkaani ayaa imaanaya xilli waxgaradka gobolka Hiiraan qaadeceen kulaabashada Jowhar iyo inay ka qaybgalaan shirka maamul u smaaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, kaas oo weli la dhaqaaji la’ayahay.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment