3366 Views

“Ciidamada NATO ee ku sugnaa Xeebaha kama hortagin duulaankii Al-Shabaab”

“Ciidamada NATO ee ku sugnaa Xeebaha kama hortagin duulaankii Al-Shabaab”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,17 March 2016: Maamulka Puntland ayaa ku dhaliishay Ciidamada NATO ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya inay ka qeyb qaadan waayeen ka hor-tagga dagaalyahanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee 14-kii bishan doonyaha ku galay deegaanada xeebaha ee Gobolada Nugaal iyo Mudug.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu faah faahiyay kulamadii Golaha Wasiirada maamulkaas ee uu shir guddoominayay Madaxweyne kuxigeenka C/xakiin C/llaahi Camey, waxaana ay nasiib darro ku tilmaamay in aanay jirin iskaashi guud oo ku saabsan is dhaafsiga xogaha cadawga Soomaaliyeed, gaar ahaan dowladda Federaalka in aanay Puntland wax xog ah ku siin Shabaabkii doonyaha kaga yimid deegaanada xeebeedka Hobyo iyo Xarardheere.

War Saxaafadeeka Hoos Ka Aqriso

war-saxaafadeed

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment