4464 Views

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab oo mar kale ka qarxay deegaanka Suuj

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab oo mar kale ka qarxay deegaanka Suuj
____________________________________________________________________________

Muqdisho,17 March 2016: Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo dagaalyahanadii Shabaabka ahaa ee maalmo ka hor ka degay deegaanada xeebta ee Puntland ayaa saaka mar kale ka qarxay deegaanka Suuj ee ka tirsan Gobolka Nugaal, iyadoo dagaalka saaka la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida wararka na soo gaaray ay sheegayaan, dagaalka oo shalay galab istaagay, ayaa waxaa labada dhinac tan iyo xalay isu adeegsanayeen rasaas goos goos ah, waxaana Ciidamada Puntland ay madaafiic ku gaaracayeen dhufeysyada ay galeen dagaalyahanada Shabaab oo ah togga Suuj oo ku dhow deegaanka Garmaal.

Ciidamada Puntland ayaa wali u suura gelin inay galaan aagga Suuj oo ah goob dhagxaan iyo godod leh, isla markaana ah goob lagu dhuumaaleysan karo, waxaana tan iyo shalay ay ku gaaracayeen madaafiic.

Saraakiisha Amniga Puntland ayaa sheegaya inay ku gacan sareeyaan dagaalka, ayna isku dayayaan in 72-ka saac ee soo socda ay soo afjari doonaan.

Abaabulo xoogan ayaa tan iyo shalay ka socday deegaano ka tirsan Puntland, waxaana gurmadyo ku qul qulayeen deegaano ka tirsan Gobolka Bari iyo Nugaal.

Dhanka kale deegaano ku dhow dhow Bandar Bayla ayaa ah mid degan, halkaasoo iyana ka mid ah goobaha ay gaareen dagaalyahanada Shabaab, waxaan iyana halkaas ka jirta xiisad, kadib markii Ciidamada Puntland ay gaareen goobtaas.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment