3066 Views

Ciidamo ka socda AMISOM oo la geeynayo Puntland

Ciidamo ka socda AMISOM oo la geeynayo Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho,17 March 2016: Max’ed Cumar Carte,Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ,ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in Ciidamada AMISOM la geeyo Puntland haddii ay timaado baahi la xiriirta Al-shabaabka ka dagaallamaya Puntland.

Max’ed Cumar Carte oo Wareysi siiyay VOA-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in Ciidamada AMISOM la geeyo Gobollada Puntland haddii Al-shabaabka ka dagaallamaya halkaasi ay sii xoogeystaan

Waxaa uu sheegay Ra’isalwasaare ku xigeenka, in Puntland ay ka mid tahay Soomaaliya sidaa darteedna AMISOM la geyn karo haddii loo baahdo.

Su’aasha dadka qaar iseydinayaan ayaa ah: AMISOM maxay ka qaban-karta Puntland oo ka duwan in ay shacabka baaraan?

Al-shabaab iyo Puntland ayaa ku dagaallamaya qeybo ka mid ah Gobolka Nugaal oo ay dhawaan gaareen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

Puntland ayaa sheegtay in ay guul ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al-shabaablka tagay degaannada Garacad,Garmaal,iyo Bandar Bayla oo ah bariga Puntland.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment