4242 Views

Kenya oo go’aansatay in ay weerarto dalka Uganda

Kenya oo go’aansatay in ay weerarto dalka Uganda
____________________________________________________________________________

Muqdisho,19 March 2016: Kulankii Xubnaha Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa looga hadlay Muranka Kenya iyo Uganda u dhaxeeya ee la xiriira Lahaanshiyaha Jasiiradda Migingo ee ka tirsan Harada Victoria.

Qaskaan,waxaa ay soo baxday kadib markii Booliska Uganda ee jooga Jaziiraddaasi ay Xabsiga dhigeen  Xubno ka socday Guddiga doorashooyinka Kenya oo halkaa u tagay in ay doorashooyinka Qaran u diiwaan geliyaan dadka Kenyaanka ah eek u nool Jaziiraddaasi,Khamiistii dhoweeyd.

Xildhibaan Jakoyo Midiwo, oo ka soo jeeda Galbeedka Kenya kuna jira Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in haddii xal lagu gaari waayay diblomaasiyadda,Kenya u furan tahay in ay Fara gelin ku sameyso Uganda.

Jakoyo Midiwo,waxaa uu sheegay in Kenya ay Soomaaliya u fara gelisay ilaalada amaankeeda,sidaa darteedna aysan Uganda uga duwaneyn Soomaaliya,loona baahan yahay in Dowladda Kenya ay talaabo ka qaaddo Dalka Uganda hadii loo baahdo.

Int ay socotay Doodda Baarlamaanka Xildhibaan Jakoyo Midiwo,waxaa uu Uganda ku eedeeyay I ay tahay Waddan Gardarro badan, Qatar ku ah Kenya iyo madaxbanaanideeda,waxaana uu ugu baaqay Dowladda in ay isu diyaariso talaabadii ay ka qaadi lahayd Uganda si arrintaas meel loo saro.

“Haddii Dowladdu aysan awoodin in xal diblomaasiyadeed ku difaacdo Dalkeenna,haddaba aanu galno dagaal toos ah oo aan ku difaaceyno dhulkeenna “ayuu yiri Xildhibaan Jakoyo Midiwo.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Oryem Okello, ayaa sheegay in arrintan tahay mid Gobol islamarkaan Labada Dal ay ku wada jiraan Urur Goboleedka Bariga Afrika loona baahan yahay in si hoose loo xalliyo oo daris-nimo ku jirto.

Wasiirka arrimaha dibadda Uganda Sam Kutesa, ayaa sheegay in arrinta Xudduuda iyo Muranka Jasiiraddaasi ay xallin doonaan Guddi isku dhaf ah oo ka socda  Labada Dowladood,kaas oo la sameeyay 3 Sano ka hor.

12kii March 2009kii ayey Dowladda Uganda soo saartay war-murtiyeed ay ku sheegeyso in degaankaasi afti la geliyay ay muujisay in Dhulkaasi ay leedahay Uganda,sidaa darteedna aysan Kenya,waxaba ku lahayn marka laga reebo in uu Gumeysi u calaamadeeyay 1926kii.

13 kii March 2009kii ayey Wasiirro ka kala tirsan Labada Dowladood,waxaa ay ka kulmeen arrintan,waxaana ay isk afgarteen in Labada Kalluumeysto ee Kenya iyo Uganda loo ogolaado in ay wada jir uga Kalluumeystaan, inta looga heshiinayo muranka Sohdinta ee ka dhaxeeya Labada Waddan.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment