3264 Views

Bulshada Rayidka oo ka soo horjeestay Warbixinada Kooxda la socodka Cunaqabateynta Hubka

Bulshada Rayidka oo ka soo horjeestay Warbixinada Kooxda la socodka Cunaqabateynta Hubka
____________________________________________________________________________

Muqdisho,19 March 2016: Kulan aad u balaaran oo ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho in ka badan 500 hogaamiye oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxay kaga soo horjeesteen warbixinada Kooxda la socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Shirkan ayaa dood dheer iyo falanqeyn kadib ayaa waxaa laga soo saaray qodobada hoose ku qoran:

1. Shirku wuxuu si cad uga soo horjeestay warbixinta joogtada ah ee Gudiga oo u jeedadeedu tahay dhaawaca Sumcada iyo Sharafta Hay’adaha iyo Madaxda sare ee Dowladda Soomaaliyeed iyo Hogaamiyaasha Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka oo ay ku eedeeyaan mar kasta ku lug lahaanshaha falal dembiyeed aan loo heyn haba yaraatee wax caddeyn ah.

2. In eedeymahaas been-abuurka ah looga gol leeyahay in dambiyo la xiriira musuq-maasuq iyo argagaxisnnimo lagu magac dilo shakhsiyaadka Soomaaliyeed ee magaca ku dhex leh bulshada, u jeedkuna yahay maja-xaabinta dadaalada lagu soo celinayo Dawlad-nimada iyo Magaca Umadda Soomaaliyeed.

3. Shirku wuxuu cadeynayaa in waajibaadka Gudigu yahay la-socodka cuna-qabateynta hubka Somaliya balse ay xubnaha Gudigu hareer mareen hawshii loo xilsaaray farahana la galeen nolosha iyo xuriyada Mas’uuliyiin Somaaliyeed oo magac ku leh Siyaasada, Ganacsiga iyo arimaha Bulshada.

4. Shirku wuxuu cadeynayaa in Gudigu isku bedelay koox aan xuduud laheyn oo qaadata Baad ama la dagaasha horo-marka, dib u-dhiska iyo Magaca Somaliya.

5. Shirku wuxuu caddeeynayaa in Gudigu ujeedooyinkiisa guracan ku gaaro Farsamooyin sharci-daro ah sida; in xogta lagu helo handadaad, caga-jugleyn, baad, caddeeymo la been-abuuro, jabsashada e-maillada iyo in si kutala-gal ah saxaafadda loogu dusiyo xogo been iyo magac-dil ah oo si gaar ah loo soo xushay, loogana gol leeyahay sharaf dilka shakhsiyaad hal-door ah, ha’ayado dowli ah iyo kuwa gaar loo leeyahay intaba.

6. Shirku wuxuu caddeynayaa in joogitaanka iyo ka shaqeynta kooxdaan Somaaliya ku tahay; Ihaano madax-banaanida Somaliya iyo Caqabad hor-taagan hana-qaadista hay’ado tayo iyo sumcad leh oo shaqeeya.

7. Shirku wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha Qaramada midoobay iyo beesha caalamaka ee taageera qadiyada iyo qaranimada Somaliya in aysan taageerin kuna kobcin hantida Somaliya kooxda ka ganacsata sharafta iyo karaamada ummada Somaliyeed.

8. Shirku wuxuu soo dhaweynayaa in Somaliya uu ka dhaqan-galo hannaanka; dawlad-wanaga, hufnaanta, furfurnaanta, la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo ku tagrifalka awooda iyo dhismaha kalsoonidii Somaliya iyo Caalamka.

9. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Qaramada midoobaya gaar ahaan xubnaha golaha ammaanka in ay talaabo cad ka qaadaan kooxdaan caadeysatay sumcad-dilka iyo dib u-celinta guulihii laga gaaray soo noqodka hay’badda iyo Qaranimada Somaliya.

10. Shirku wuxuu ugu baaqayaa Dawldda Somaliya iyo Mas’uuliyiinteeda kala duwan in ay go’aan cad ka qaataan hawsha kooxdaan dalka ka waddo ayna gebi a

haanba baabi’iyaan jiritaankeeda, ugana saaraan dalka muda kooban, difaacaanna xuquuqda iyo karaamada Muwaadiniinta, ayna ilaaliyaan midnimada iyo madax-banaanida dadka iyo dalka Somaliyeed.ururada-8ururada-7ururada-3ururada-2

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment