3927 Views

War murtiyeed laga soo saaray Shirkii Guddiga Dib-u eegista Dastuurka

War murtiyeed laga soo saaray Shirkii Guddiga Dib-u eegista Dastuurka
____________________________________________________________________________

Muqdisho,21 March 2016: Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war martiyeed ka soo saaray shir socday saddex cisho oo ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasoo looga hadlayay geeddi socodka dib u eegista dastuurka qabyada ah iyo sida loo gaarsiin-laha bulshada Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa la isku weydaarsaday talooyin iyo aragtiyo la xiriiray qaabka dib u eegista iyo helitaanka dastuur ay u dhan yihiin umadda Soomaaliyeed.

Hadaba war murtiyeedka laga soo saaray shirkaas oo nuqul ka mid ah na soo gaaray ayaa sidan u qornaa:-

 

Shirka Wacyigelinta ee Geedi Socodka Dib u Eegista Dastuurka

14 -17 Maarso 2016

 

Olalaha wacyigelinta ee arrimaha dib u eegista dastuurka ayaa markii ugu horeeysay laga bilaabay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya taariikhdu markay ahayd 14-17 Maarso 2016. Barnaamijka waxaa martigelisay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya Midowga Yurub, Norway, Sweden UK iyo UNDP.

Madashadu waxay kulmisay hay’adaha u xilsaaran geedi socodka dib u eegista dastuurka, sida Guddiga La Socodka Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Higelinta Dastuurka oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xil. Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen.

ka qeyb galayaasha ka socday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaa kamid ahaa Masuuliyiinta ugu sareysa, xubna ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka, Siyaasiyiin, Bulshada Raydka, Odoyaasha Dhaqanka, Indheer Garad, Naafada, Ganacsato iyo Ururada Dhalinyarada iyo Haweenka.

Shirka waxaa furay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan oo soo dhaweeyay Xubnihi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya  oo isugu jiray Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La Socodka ee Baarlamaanka, Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ololaha wacyigelinta geedi socodka dib u eegista dastuurka ay u leedahay maamulka iyo shacabka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed isagoo ku dhiiri geliyay guud ahaan bulshada oo isugu jira ururada bulshada rayidka, Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedka oonfur Galbeed yo Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed in ay si buuxda uga qeyb qaataan ugana lug yeeshaan arrimaha dib u eegista dastuurka iyadoo loo marayo ololaha waxbarshada madaniga iyo hanaanka wada tashiyada dhawaan xiga doonta wacyi gelintaan.

Muddada saddexda maalmood ee uu socday shirka, ka qeyb galayaashu waxay uga doodeen hanaanka hanaanka dib u eegista dastuurka iyo maraaxishii uu soo maray, dowrka iyo waajibaadka hay’adaha u xilsaaran arrimaha dib u eegista dastuurka, wada tashiyada laga sameeyn doono arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed, cutubyada wax ka badelka farsamo lagu sameeyay, iyo weliba su’aalaha soo socda.

  1. Waa maxay Dastuur?
  2. Maxay muhiim u tahay in soomaaliya ay yeelato dastuur?
  3. Maxay muhiim u tahay in dhammaan muwaadiniinta soomaaliyeed ugu lug yeeshaan waxna uga ogaadaan dastuurka?
  4. Maxaad jeclaan lahayd in laguugu daro dastuurka?
  5. Sidee lagu heli karaa dastuur soomaali leedahay loona wada dhanyahay?

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xubnaha Guddiga La Socodka Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxey qabteen kulamo gaar gaar ah oo lala yeeshay xubnaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu hor kacayo Guddomiyahooda, Haweenka iyo Dhalinyarada iyadoo diiradda lasaarayo lagana doodayo dowrka iyo ku lug lahaanshaha reer koonfur galbeed hanaanka dib u eegista dastuurka, arrimaha habeenka (saamiga 30%, IWM) iyo arrimaha dhalinyarada sida ay u kala horeeyaan. In kabadan 200 qof ayaa ka qeyb gashay shirka socoday saddexda maalmood oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS.

Gunanadka shirka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS, isagoo ku hadlaya magaca Guddiga La Socodka Baarlamaanka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed, ayaa u mahadceliyay dhammaan shacabka Koonfur Galbeed soo dhaweyntooda diiran iyo martigelinta muddada saddexda maalmood oo uu shirka socday. Waxuu sidoo kale uga mahadceliyay ka qeyb qaadashadooda iyo sida wax ku oolka ah ay u soo bandhigeen fikradahooda.

Wuxuu sidoo kale Wasiirku u mahadceliyay  aadna u bogaadiyay taageerada beesha caalamka iyo saaxibada Soomaaliya gaar ahaan Qaramaday Midoobay (UN), Midowga Yurub (EU), DFID, Sweden iyo Norway oo suurta geliyay qabsoomidda shirkaan. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS ayaa diyaarin doonta warbixinta shirka oo tifatiran maalmaha soo socda.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment