3438 Views

GEF QARAN iyo GAROWSHIYO LA’AAN MAAMUL-GOBOL

GEF QARAN iyo GAROWSHIYO LA’AAN MAAMUL-GOBOL
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 21, 2016 – Toddobaadkan ayey ahayd markii xeebaha gobollada Mudug & Nugaal ay soo tubteen cutubyo ciidamo hubaysan ah kuwaa oo sida la sheegay ka tirsan ururka shaydaaniga ah ee ugus (Daesh or Shabab).

Waa dhacdo la yaab ku noqotay dadka qaarkii maadaama aan looga baran deegaannadaas in shabaab si bareer ah oo aan dhuumasho lahayn barqa cad uga soo degaan deegaannada puntland ka taliso gaar ahaanna xeebaha Nugaal & qaybta Mudug ay ka arrimiso.

Ugu horreyntiiba waxaa abuurmay sawaxan iyo cabsi aad u badan oo ay muujiyeen shacabka deegaanka iyo maamulkuba, sax xabbad maahan waxaan laga cabsan ee waa wax laga cabsadaa waliba laga cararaa oo cagaha wax laga dayaa si taas ka ag dhawna xabbadda shabaab waxaaba u dheer ismiidaamin iyo isqarxin waana taas midda ay kaga duwan yihiin rasaasleyda kale ee geyiga la jooga “Soomaali & Amisom qaarkeedba”.

Aad baan uga xumahay, uga walwalsanahay ayna ii dhibaysaa in puntland oo ka mid ahayd meelaha dalkeyga ugu amniga badan ay hadda ka muuqato saansaan colaadeed taasoo sababi kadha barakac, dhimasho iyo dhaawac iyo amnigoo faraha ka baxa muddada hardan kaasi socdo, waxaana aaminsanahay in qofkastoo soomaali wax garada ah uu taas ila wadaago.

ILAAH waxaan ka tuugay kuwaas deegaanka nabdoon colaadda la soo doontay inuu garabkooda ka boxo qaybtii RABBI uu hanuun u qorayna usoo dedejiyo.

Intaas ka dib waxaan rabaa inaan is dul taago hadalkii wasiirka Amniga ee Puntland, “Qarjab” oo shir degdeg ah u qabtay isla markaana DF Soomaaliya ku eedeeyay inay ayadu kooxdaan argagixisada ah soo agaasintay puntland-na ay kusoo jahaysay. WAGAR!

Waa hadal wadkii galay laakiin malahayga aysan maanta jirin cid soomaali ah oo laga iibin karo dacaayaddaas aadka u raqiiska ah. Horta wax walba oo ka dhan ah maaulka, maxay dawladda ugu eedeeyaan? Waxaan ka baqaa, abaaraha, roob la’aanta iyo jiilaalkana in ay dhahaan dawladda ayaa roobkee Xamar u wareejisatay!

Waxaa nasiib darro ahayd in marka Qarjab sidaa u hadlaayey ay hareeraha ka taagnaayeen dhowr shaqsi oo ka mid ah mas’uliyiinta maamulkaas mana qaban ishaydu halmid oon is iraahdo malaha warkaan waa uu dhibayaa haddaysanba ku faraxsanayn.

Madaxweynaha maamulkaas MD Cabdiweli Gaas ayaa haddana warbaahinta la hadlay oo muxuu yiri, maxaase uga ekaa inuu dacartii wasiirkiisu dhiiqay ka yiraahdo?

Wuxuu yiri “anigu ma aaminsani in DF Soomaaliya ay kooxdaas shabaabka ah soo abaabushay ra’yigaasna ma qabo” wuxuu kaloo sii raacshay MD Cabdiweli Gaas ”anigu wasiir si toosa u yiri arrintaas ma maqal laakiin waan maqlayey si dadban ayey wasiiro uga hadleen arrintaas oo siyaalo badan loo turjumay”. Si dadban? Oo si dadban, Gaas muxuu u yaqaan horta?.

Qaybta hore ee hadalka MD Gaas maahan mid cad waayo wuxuu yiri MA AAMINSANI ee ma dhihin MA JIDHO, taasoo la macne ah ma aaminsani laakiin waa ay suurowdaa arrintaasi. Micnaha, mar walba nimankaas Xamar fadhiya waa ka suuragal, in ay Shabaab noo soo xawilaan! Oo kaalay, Shabaab ma Xamar baa laga xawilaa, iyada ayaaba ku dhibbane?.

Qaybta danbena waxaad mooddaa inuu inkiraayo hadalkii gefka ahaa ee wasiirkiisu ku hadaaqay, mise xurguf hoosaad ayaa jira oo madaxweynaha iyo wasiirkiisa ayaa si kale iskula dabaal jooglaynaya ‘IIMA KALA CADDA ILLAA HADDA, balse, IIMA KALA ROONA!’.

MD Gaas waxaa uga ekayd ama haddaan si kale u dhigo waxaa habboonayd inuu qaladka wasiirkiisu galay Raalligelin ka bixiyo haddii ay u suurta galaysana uu wasiirkaas xilka ka xayuubsho maxaa yeelay wuxuu ku kacay wasiirku waa danbi qaran oo madaxdii Qaranka ayuu ku sheegay kuwa shabaabka ku adeegta oo maalinba deegaankey rabaan gala yiraahda, xitaa hadday jirto caqabad hor taagan xilka qaadistiisa waxay ahayd inuu mowqifkiisa meelcad iska taago ee balabalabala ayuu sheekadaba kusoo xiray.

Waxaan maqli jiray; ninkii waasha walaalkii baa u fiyoow, laakiin ka warran haddaad waalato haddana walaal ku xirta, ku daweysta kulana tacaalaa uusan jirin? Balse taas baddalkeeda ay aad kuu aga dhooban yihiin kuwo horay goofa gade kuugu sii tuura! Xaqiiqadu waa inaadan waligaa raysanayn ee aad sidaa u waalnaan doonto inta noloshaada ka dhimman, aadba iska waalnaatide waxaa kuu dheer taas inaad isku haysato qof fiyoow oo waliba dadka kale ka nin karmeedsan, maxaa yeelay markaad aqalka hooyadaa dab iyo badrool isugu darto oo dhammaantiis aad dhulka la sinto ayaa lagu leeyahay haa, haa, sax weeye, sax weeye, si fiican baad yeeshay, ALLA muxuu aqallo gube yahay, markaa baad adna inta tuur isku yeesho booraqtantaa, hadde ma aaminsanid in wiil kaa sarreeya EEBBE weyne abuuray, waayo waxaad tahay ninkaa aqalka habartiis dabka qabadsiiyey kuna faansan ALLOW ALLE!

.

W/Q: Bashiir Cali Barre

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment