3327 Views

Kulan looga hadlayo Sharciga Shaqaalaha Rayidka oo ka furmay Muqdisho

Kulan looga hadlayo Sharciga Shaqaalaha Rayidka oo ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho,22 March 2016: Kulan looga hadlayo Wax ka badalis lagu sameeyay sharciga shaqaalaha rayidka oo maanta ka socda Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda Dowlad Gobolleedyada Dalka Kajira iyo kuwa aanan wali dhismin, Guddiga Shaqaalaha Rayidka Xubno ka socda Gobolka Banaadir iyo Marti Sharaf kale.

Sharciga Shaqaalaha Rayidka  oo shaqeynayay muddo 10 sano ah ayaa maanta la filayaa in laga wada hadlo sidii wax ka badalis loogu sameyn lahaa maadaama xilliyo kala uwan lagu soo shaqeeyay.

Shirkaan ayaa guddi Dhawaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay u xilsaartay dib u eegista Sharcigaan ay ku soo bandhigi doonaan wax ka badalis ay sharcigaan ku sameeyeen. Iyadoo intaa kadibna Mas’uuliyiinta jooga Madasha ay  kawada hadli doonaan aragtidooda ku aadan wax ka badalistaan.

Kulanka looga hadlayo Dib u Eegista Sharciga Shaqaalaha rayidka ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo 23 bishaan oo ku beegan Maalinnimada arbacada ah, iyadoo Sharcigaan  uu dhowrayo Sharafta iyo Qiimaha Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Dowlad Gobolleedyada dalka ka jira.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment