4068 Views

Madaxweynaha ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Macallin Cali Shiikh Axmed

Madaxweynaha ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Macallin Cali Shiikh Axmed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday marxuum Cali Shiikh Axmed, oo loo yiqiin Cali-Muddiir oo ka mid ahaa bahda waxbarashada ee dalka.

“Innaa Lillahi wa inaa ileyhi raajicuun. Allah u naxariisto marxuum Cali Mudiir waxaa lagu xusuusan doonaan doorkii uu ka qaatey baahinta aqoonta iyo dhismaha Soomaaliya. Hawshii wanaagsaneyd e uu waddanka u qabtey waa inay noqotaa mid ay ku tusaale qaataan jiilka hadda joogaa si ay wax wanaagsan dalkooda uga tagaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment