7080 Views

Maxaabiista Al-Shabaab ee lagu soo qabtay dagaalkii Suuj oo lagu xiray xabsiga Garoowe

Maxaabiista Al-Shabaab ee lagu soo qabtay dagaalkii Suuj oo lagu xiray xabsiga Garoowe
____________________________________________________________________________

Maxaabiistii Alshabaab ee lagu soo qabqabtay dagaalkii maalinimadii togga Suuj ee deegaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal ayaa Caawa fiidkii lagu soo wareejiyey xabsiga weyn ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Muqdisho | QOL | March 22, 2016 – Maxaabiistaas oo tiradoodu tahay 35 maxbuus oo 4 kamid ahi ay dhaawac ahaayeen ayaa waxay u badnayd da’doodu 13 ilaa 17sanno taas oo muujinaysa khatar ay sharwadayaasha alshabaab ku hayaan ummadda Soomaaliyeed iyo sida ay maandoorinayaan maskaxda carruurta yarar.

Maxaabiistaas oo diif iyo diihaal badani ka muuqdey ayaa durbadiiba saraakiisha iyo hawl wadeenada xabsiga weyne ee Garoowe waxay bilaabeen daaweynta dhaawacyada, daryeelka, quudinta iyo sidii loo siin lahaa xannaano wanaagsan.

Ugu dambayntii, xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada sare iyo guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa waxay waraysiyo ku saabsan maxaabiitaasi goobihii ay kayimaadeen iyo sababaha ay Puntland u yimaadeen iyo mabaadii’da ay aammin san yihiin la yeesheen dhammaan maxaabiistii xabsiga lagu soo wareejiyey.

shabab-maxabis-puntland-3 shabab-maxabis-puntland-4 shabab-maxabis-puntland-2 shabab-maxabis-puntland-1

.

.

Xigasho: Calanka Media

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment