3333 Views

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo kulamo la leh Odayaasha Dhaqanka Baladweyn

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo kulamo la leh Odayaasha Dhaqanka Baladweyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho,22 March 2016: Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta  gaaray Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

R/wasaaraha ayaa la kulmi doona Maamulka Gobolka iyo Odayaasha Dhaqanka, isagoo kala hadlaya Arrimaha shirka Maamul u sameynta dadka Dega Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka Xukuumadda Soomaaliya  oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Baladweyn ayaa ku soo dhaweyay Wafdiga R/wasaaraha.

Kulankaa ayaa la ogeeyn wax ka soo bixi-doono in kastoo ay rajo jirto. Arrinta Hiiraan iyo Sh/dhaxe waxa ay noqotay mid dheeraatay oo an weli xal la gaarin.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment