3486 Views

War Saxaafadeed ( Faafin degdeg ah) ‘Nuqul Af- Soomaali’

____________________________________________________________________________

Mogadishu, March 22, 2016 – Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag ay u cambaareynayaan weerarka argagaxiso ee ka dhacay maanta caasimadda Brussels ee dalka Belgium.

Waxaa dhab ah, in argagaxisadu ay u beegsaneyso dadka rayidka ah si bahalnimo ah oo marna aan cafis geli karin, waa tilmaan weyn oo tusineysa heerka ay ka gaareen bani’aadanimo-xumo iyo xushmad darro .
rabshad kasta oo ka dhan ah dadka rayidka ah waxaa loola jeedaa in la aragagaxiyo iyaga iyo qarankooda , gebi ahaan waa wax baas oo shar ah .

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay si adag uga shaqeyneysaa dhabar-jebinta argagaxisada gudaha xuduudeena iyo gobolka intiisa kale . argagaxisadu waa goodin khatar ku ah dunida, oo si adag u saameeyay muwaadiinta Soomaaliya iyo Belgium , sidaa darteed waxaan barbar taagannahay,isbaheysina la nahay Shacabka iyo Xukuumadda Belgium . waxaan la qeybsaneynaa tiiraanyada iyo dhibta gaaray saacadaasi mugdiga ah.

Waxaan tacsi u direynaa qoysaska,saaxiibada iyo kalgacalka dhammaan dhibanayaasha rayidka ah ee uu saameeyay falkaasi murugada leh ee sharta ahaa.

Weerarada argagaxisada ee aan macnaha laheyn marna tabar darri iyo cabsi gelin uma keeni doonto Shacabka iyo Xukuumadda Belgium, ee waxa ay xoojin doontaa oo ay mideyn doontaa jawaab-celinta adduunka uu ka bixiyo falkaasi dambiga weyn ee argagaxiso .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay la leedahay Belgium xiriir laba geesood aad u xoogan , waxa aanu hiigsaneynaa iskaashi balaaran oo dhinacya badan leh oo labada dal dan wadaag u ah oo ay ka mid ah tahay amniga .

.

.

_________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment