4770 Views

Bulshada ku dhaqan Baydhabo oo soo dhaweeyay waxqabadka isbitaalka Somali German

Bulshada ku dhaqan Baydhabo oo soo dhaweeyay waxqabadka isbitaalka Somali German
____________________________________________________________________________

Baydhabo | QOL | March 23, 2016 – Bulshada ku dhaqan Baydhabo ayaa soo dhaweeyay waxqabadka isbitaalka Somali German ee ku Yaala Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir isbitaalkaasi oo dhaqaatiir ka socota ay 25ka  bishaan ka fulin doonaan Howlos amafal oo dhinaca Caafimaadka ah Xarunta Gonolka Bay ee Baydhabo.
Waxa ay sheegeen qeybaha bulshada ku dhaqan baydhabo inay si weyn u soo dhaweynayaan adeegaasi isbitaalka omali German Hosbital ka fulin doono Maalmaha soo socda Gudaha baydhabo.
Maamulaha Guud ee isbitaalka Somali German Hosbital Dr Ibraahim cali xasan ayaa sharaxaad iyo tafaasiil ka bixiyay qaabka ay u wajihi doonaan Howshaan isbitaalku ka fulin doono Magaalada Baydhabo, waxa uuna sheegay Maamuluhu in Mudada u dhaxeysa 25 ilaa 28 maarso 2016 ay dhaqaatiir ka soocta Somali German Hosbital ay Magaalada baydhabo ka caawin doonaan Howlo samafal oo siagu jira Baaritaan, Daweyn iyohadii loo baahdo qaliin isagoo ugu baaqay bulshada ku dhaqan baydhabo iyo nawaaxigeeda inay ka faaideystaan fursada uu ugu talagalay isbitaalka Somali German Hosbital.
Dhaqaatiirta Howlahaan caafimaad fulin doonta kana socda isbitaalka Somali German Hosbital waxa ay kala yihiin.
  • Dr Mansoriger oo qaabilsan Dhinac haweenka
  • Dr cabdulqaadir oo qaabilsan Cunaha,sanka iyo Dhagaha
  • Dr Xuseen Xasan oo qaabilsan Dhinaca qaliimada
Isbitaalka Somali German Hosbital oo laga hirgaliyay 17-1-2016 xaafada Nasiib Buundo ee Degmada Boondheere ayaa Mudadii uu jiray waxa uu ku talaabsaday Horumar waxqabad,waaana isbitaal Casria h oo adeegyadiisa ay ud han yihiin ayna ka howlgalaan dhaqaatr aqoon dfurugsan u leh Howlaha caafimaad caafimaadka iyo howlwadeeno loo carbiyay xaga Caafimaadka, waxaa uuna isbitaalku shaqeeyaa  3 galin.
.
.
.
.
_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment