3360 Views

Labo walaalo ah oo ka dambeeyay weerarkii Brussels

Labo walaalo ah oo ka dambeeyay weerarkii Brussels
____________________________________________________________________________

Muqdisho,23 March 2016:  Wararka ayaa sheegaya in uu Booliska Belgium xaqiijiyay in weerarkii is qarxinta shalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ay ka dambeeyeen labo qof oo walaalo ah.

Kaamirada qarsoon ee CCTV ee ku xiran garoonka ayaa duubtay saddex ruux oo labo ka mid ah jaakado madow xirnaa iyo mid kale oo jaakad cad iyo koofi watay, waxaana midkaas la sheegay inuu baxsaday lana baadigoobayo.

Labada walaalaha ah ee weerarka is qarxinta ka dambeeyay ayaa lagu kala magacaabaa Khalid el-Bakraoui iyo Ibrahim el-Bakraoui.

Ciidamada la dagaalanka Argagixisada ayaa baaritaano adag ka waday qeybo ka mid ah magaalada Brussels, iyadoo guryo ay degenaayeen raggan la baaray, lagana helayo waxyaabo laga sameeyo qaraxyada sida kiimiko iyo cirbado.

Wararka ayaa intaa ku daraya in boqolaal askari ah la soo dhoobay wadooyinka waa weyn ee Caasimada Brussels, waxaa xiran garoonka diyaaradaha Zaventem iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Warbaahinta Belgium ayaa sheegtay in dadweynaha laga dalbaday in guryahooda ku sugnaadaan, sidoo kale waxaa laga codsaday inay soo sheegaan hadii ay arkaan ninka saddexaad ee ka soo muuqday Kaamirada garoonka.

Illaa 34 ruux ayaa ku dhimatay 250 kalena waa ku dhaawacmeen weeraradii shalay lagu qaaday garoonka diyaaradaha iyo xarunta tareenada laga raaco, waxaana mas’uuliyada weerarkaas sheegtay Kooxda IS.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment